haatuf.net
Maxkamadda Distooriga Ah Ee Somaliland Oo Maanta Qaraar 5 Qodob Ah Ka Soo Saartay Dacwadii Ay Shalay Axsaabta Mucaaridku U Gudbiyeen
July 23, 2015 - Written by Admin Two

“Axsaabta Mucaaridka Ee UCID Iyo WADDANI Xaq Ayey U Leeyihiin Inay Qabsadaan Shirarka Uu Siinaayo Distuurka Jamhuuriyadda Somaliland”Qaraarka Maxkamadda Sarre

  

Hargeysa, sale July 23, 2015 (Haatuf) – Maxkamadda Distuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ka fadhiisatay dacwad ka dhan ah wasaaradda arrimaha gudaha iyo taliska bilayska oo ay shalay u gudbiyeen axsaabta mucaaridku ayaa isla maantaba qaraar shan qodob ka kooban ka soo saartay.

Qaraarkan ay maxkamadda sare sida degdeg ah uga soo jawaabtay ayaa waxa uu is-bedel ku yimid garsoorka sare ee dalka tan iyo intii guddoomiyaha maxkamadda sare loo magacaabay Prof. Aadan Xaaji Cali, iyadoo ka garnaqa dacwadaha ee maxkamadda sare ay qaadan jireen wakhti dheer oo dhibaato badan kala kulmi muwaadiniinta kiisasku kaga jiraan maxkamadda sarre.

Sidoo kale qaraarkan ayaa lagu amray dhinacyada siyaasada iyo golayaasha qarankaba inay degdeg usoo afjaraan muranka ka taagan qabsoomida doorashada, iyadoo maxkamadu amartay in si dhakhso ah loo gudo-galo hawlihii doorashooyinka, isla markaana ay dalka ka qabsoonto doorasho xor oo xalaal ah.

Habada Qaraarkan oo ay Haatuf heshay nuqul ka mid ah  oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Aadam Xaaji Cali ayaa isagoo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:-

“Maxkamadda Distuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland; markay aragtay, qodobka 98(1)-aad iyo 101-aad ee dastuurka qaranka jamhuuriyadda Somaliland; markay aragtay cabashada ay usoo qorteen labada xisbi mucaarid ee ‘xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID iyo xisbiga WADDANI’ kuna taariikhaysan 22/07/2015, Markay Aragtay jawaab celinta ay soo gudbiyeen cidda laga cabanaayey oo ah wasaaradda daakhiliga iyo taliska booliska kuna taariikhaysan 22/07/2015, Markay Aragtay kalsoonida ay dhinacyadu siiyeen Maxkamadda Distuuriga ah, waxay soo saartay qaraarkan:-

  1. In axsaabta mucaaridka ee UCID iyo WADDANI ay xaq u leeyihiin in ay qabsadaan shirarka uu siinaayo distuurka jamhuuriyadda Somaliland, xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada iyo xeerarka kale ee qaranka Somaliland, gaar ahaan qodobada 22-aad, 23(3)-aad iyo 32(1)-aad ee distuurka qaranka. Waxa kale ooo waajib ku ah wasaaradda arrimaha gudaha, booliiska iyo hay’adaha kale ee qaranka in ay ixtiraamaan isla markaana aanay ka horjoogsan xuquuqda distuuriga ee ay leeyihiin axsaabta mucaaridka iyo muwaadiniinta kale ee si waafaqsan distuurka jamhuuriyada Somaliland iyo xeerarka kale ee dalka u yaala.
  2. Dhinaca kale wixii ka danbeeyey aftidii distuurka ee 2001, sida uu dhigayo qodobada 9(1)-aad iyo 130(1)-aad ee distuurka jamhuuriyadda Somaliland waxa laga soo guuray nidaamkii beelaha, waxaana loo soo guuray nidaam ku salaysan distuurka iyo axsaabta badan, waxaana jira Golayaal Qaran (Xeer Dajinta, Fulin iyo Garsoor) oo dhaqan gal ah, kana jawaabaya baahida qaranka ee hadba taagan si waafaqsan distuurka. Waxa hadaba xaaraan ah isla markaana aan sharci ahayn in cidnaba (haday tahay qabiil, ururo siyaasadeed iyo cid kale toona) ku baaqdo ‘Shir Qaran) ama ‘Shir-aayo ka tashi qaran’ oo aanay golayaasha qaranka ee distuuriga ahi hogaaminaynin si waafaqsan distuurka iyo xeerarka dalka u yaala.
  3. Dhinaca kale Maxkamadda distuuriga ahi iyada oo og in murankan taagani uu salka ku hayo qabashada doorashada soo socota, waxa ay amraysaa dhamaan dhinacyada siyaasada iyo hay’adaha ay khusayso ee distuuriga ah inay sida ugu dhakhsaha badan u soo afjaraan muranka ku saabsan doorashada soo socota isla markaana xal ka gaadhaan si loogu diyaar-garoobo doorasho xor oo xalaal ah.
  4. Maxkamadda distuuriga ahi waxay ku amraysaa dhinacyada siyaasadu inay ilaaliyaan xeerarka iyo xeer hoosaadada dalka ee la xidhiidha akhlaaqada wanaagsan (good ethics) xiliga doorashada iyo xiliyada kaleba.
  5. Qaraarkan waxa lagu dhawaaqay maanta oo ay taariikhdu tahay 23/07/2015.

 

 

  1. Adam Xaaji Cali Axmed                     Guddoomiye
  2. Cabdiqaadir Axmed Maxamuud           Xubin
  3. Maxamed Cumar Geele           Xubin
  4. Cabdiraxmaan Madar Caraale            Xubin
  5. Yaasiin Xasan Ismaaciil            Xubin

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS