haatuf.net
Suldaan Xiiray Oo Is-Been-Fariimay Iyo Suldaan Ismaaciil Oo Ka Muquurtay Mashruuc Ay Xukuumadda Kasoo Wada-Qaateen
July 23, 2015 - Written by Admin Two

 

Hargeysa, bronchi July 23, 2015 (Haatuf) – Suldaanka Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade ee Suldaan Yuusuf Xiiray ayaa habeen hore qaar ka mid ah warbaahinta dalka u sheegay in ay isaga iyo salaadiin kale oo uu ka mid yahay ay dhex-dhexaadin ka gali doonaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda iyo mucaaridka ee salka ku haya xiliga doorashada ee lagu muransan yahay, ka dib markii markii ay kalsooni ka heleen labada dhinacba.

Hase waxa markii uu hadalkaas saxaafada u sheegay ka dib soo shaac-baxay inaanay jirin wax kalsooni ah oo uu ka haystay axsaabta mucaaridka ee uu sheegtay  inuu ogolaansho ka haysto dhex-dhexaadinta iyaga iyo xukuumadda.

Suldaan Xiiray oo isku magacaaba inuu yahay afhayeenka madaxda dhaqanka ee Somaliland ayaa marwalba  dhex-dabaasha arrimo siyaasadeed oo aan loo dirsan, taas oo inta badan ku kaco marka uu dhabarka ka taabto wasiirka daakhiliga ee Cali Warancade.

Suldaan Xiiray ayaa markii ay beeniyeen mucaaridku sheegashadiisa inuu kalsooni ka haysto ka dib la xidhiidhay warbaahinta si ay warkii uu siiyey ee khaladka ahaa uga saaraan website-yadooda, waxase la sheegay in arrinta uu markii hore kula jiray Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdi oo isagu markii danbe ee arrintaasi khashifmatay ka muquurtay, iyadoo aanu xog ku helnay in xukuumadu arrintan u diratay ka dib markii salba-bakh kaga dhacay go’aankii isbahaysiga mucaaridku ay ku iclaamiyeen shir-qaran oo lagaga tashanayo xaaladaha siyaasadeed ee wakhtigan dalka ka taagan.

 maxresdefault

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS