haatuf.net
Mu’waadin Uu Hiili Isbaheysiga Mucaaridka Oo Uu Hiili Dimuqraadiyadda; Eng Baashe Cabdi Gaboobe
July 23, 2015 - Written by Admin Two

Xukuumadda Siilaanyo mar alle markey xukunka dalka hanatey waxey bilawdey iney jabiso balanqaadkeedi ahaa iney ixtiraameyso shuruucdi iyo dastuurki jamahuuriyadda Somaliland. Waxey xidhey tiradii ugu badneyd ee saxafi iyo xarun warbaahineed abid intey jirtey Jamhuuriyadda Somaliland. Illa haatana waxa xidhan Wargeyska Haatuf iyo Somaliland Times muddo sannad kabadan.

Waxey xabsiga u taxaabtey tiradi ugu badneyd ee xildhibaano, generic siyaasiyiin iyo difaacayaasha xuquuqal iinsaa’nka, waxaana ugu dambeeyey madaxa Human Wrights Centre Guleid Ahmed Jama.

Waxay wax ka qaban weydey shaqa la’aanta baahsan ee dhalinyarada S/L.

Waxey waxba ka qaban waydey balanqaadkeedi ahaa’dhalinyaroow’’ ha tahriibina UDUB wey tageysaaye, taas oo kumanaan kun oo dhalinyarada S/L  ku idlaadeen saxaaraha Sudan iyo Liibiya iyo badaha Medaterreneaynka iyo Red Sea-ga.

Waxey iibisey dhulkii iyo guryihii danta guud oon lacagtoodii la garaneyn meel ay martey. Halka dhalilnyarda Jamhuuriyadda Somaliland ay la’yihin meel ay ku ciyaaraan, waana arrimaha xoojiyey tahriibka dhalinyaradda.

Maqaamkii siyaasadeed ee Ictiraaf raadinta Jamhuriyadda Somaliland ee maamuladdii Cigaal iyo Rayaale gaadhsiiyeen Africa, albaabadey usoo laabtey waxaaney kusoo koobtey siyaasadda ma-dhaleyska ah ee wadahadalka Somalia iyo Somaliland .Arrintaas oo la wada ogaa fadeexadii ka dhalatey ee website-ka siraha jabsada ku sheegey iney midnimo kala sexeexdeen Somalia iyo Somaliland .

Waxey qabanweydey doorashadii madaxweynaha ee muddadii shanta sannadood xilka madaxweynuhu ku dhamaadey 26-kii juun 2015. Taas oo madaxweyne Siilaanyo balanqaadey inaaney maalinna dhaafeyn isagoo markuu mucaaridka ahaa mudaaharaad iyo hanjabaaddo kaga falcelin jirey muddo kordhinta ay guurtidu sameeyso, iminkana fulin la’ isaga iyo inta ku xeeran heeshiiskii sagaalka iyo toban ka bilood loogu kordhiyey ee ay sedexdda xisbi wada gaadheen ,iney doorashadu dhacdo December 2016 .

Allamahadleh,

Eng. BasheCabdiGaboobe.

Hargeysa/Somaliland.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS