haatuf.net
Ururka Suxufiyiinta Ee SSJW Oo Luuqad Adag Ku Cambaareeyey Xadhigii Ciidanka Bilaysku Kula Kaceen Todobada Suxufi
July 23, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, ampoule July 23, there 2015 (Haatuf) – Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxa banaan Somaliland ee SSJW (Somaliland Society Journalist and Writers) ayaa luuqad adag ku cambaareeyey xadhigii maanta ay ciidanka bilaysku kula kaceen qaar ka mid ah suxufiyiinta Somaliland ee ka hawlgala magaaladda Hargeysa ee caasimadda dalka.

Waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray afhayeenka Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxa banaan ee SSJW Maxamed Ibraahim Sagax, unhealthy kaas oo isagoo dhamaystirnaa u dhignaa sidan:- “Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxa banaan ee SSJW (Somaliland Society Journalist and Writers) waxa uu luuqad adag ku cambaaraynayaa xadhiga iyo tacadiga sharci darada ah ee ciidamada bileysku Somaliland kula kaceen wariyeyaasha kala ah Xamse Cali Bulbul, C/qaadir Carab, Khadar Macalin Deeq, Nagiib C/laahi Colaad, Cabdirixiin Ismaaciil iyo Mukhtaar Mursal Xiin, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee sharciga u leeyihiin.

Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxa banaan ee SSJW (Somaliland Society Journalist and Writers) waxa uu sidoo kale xukuumadda iyo ciidamada amniga uga digayaa inay sifo sharciga baalmarsan ugu tacadiyaan xuquuqda muwaadiniinta Somaliland ee shaqadooda caadiga ah haystay isla markaana aan ku hawlanayn waxyaabo sharciga dalka ama amniga Somaliland wax u dhimaya.

SSJW waxay ugu baaqaysaa hay’adaha ay khusayso ee amniga inay ka waantoobaan laab-laca aan loom eel-dayeynin in lagu xad-gudbo xuquuqda distuuriga ah ee muwaadiniinta dalka”.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS