haatuf.net
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Ka Hadlay Hankiisa Siyaasadeed Ee Somaliland: “Haddaad Leedihiin Ma Madaxnimaad Doonaysaa Dee Soomaalidii Kaleba Haddaan U Tegay Tan-na…”
July 25, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, health July 25, 2015 (Haatuf) – Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa markii ugu horraysay ka sanqadhiyey rabitaankiisa la xidhiidha inuu hoggaaminta Somaliland isu soo taagi doono, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu xaq u leeyahay haddii lagu arko han heerkaas gaadhsiisan. Axmed Ismaaciil Samatar oo toddobaadkan ka hadlay madal jaaliyadda Somaliland ee magaalada London uu  su’aalo xagga hoggaaminta la xidhiidha ugaga jawaabayey, ayaa xusay inuu horeba ugu tartamay hoggaaminta Soomaaliweyn, isla-markaana haatan haddii uu Somaliland madaxtinimadeeda u hinqado aan cidi kula yaabi doonin.  prof Samatar aqoonyahanku waxa uu si weyn uga digay qabyaaladda, waxana uu sheegay in qabyaalladdu tahay  carqalad is hortaagi karta Horumar kasta oo somaliland damacsan tahay,  “Haddaad leedihiin waar Samataroow maxaad haysaa oo ma madaxnimaad doonaysaa, dee haddaan soomaalidi kaleba u tegay tan Somaliland baaba aan xuquuq badan ku leeyahay. haddii la rabo Somaliland inay sii noolaatana qabiilka waa in la tuuraa.haddii qabiilku noolaanayona Somaliland waa inay dhimataa” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.  Prof. Samatar oo ka Hadlaya waxyaabaha u qorshaysan haddii uu Go’aan buuxa ku gaadho inuu somaliland madaxtinimadeeda u dhiilo dhaansado, ayaa hoosta ka xarriiqay tallooyin uu qaadi doono, ka hor inta aanu hoggaanka Qaban, waxana uu yidhi,“Anigu Haddaan Doonayo inaan Somaliland Madax Ka Noqdo waxan Ballan ku qaadayaa inaan dhammaan tartamayaasha kale oo dhan la galo Dood si toos ah Telefiishnada uga Baxda, waliba ay  daadihiyaan Wariyayaasha ugu Khabiirsani.”  Isagoo Hadalkiisa sii wata mar uu si qoto dheer uga hadlayey Goobo kale oo dadweynaha wax loogu sheegi karo, ayaa waxa uu yidhi,   “meel kale oo iyaduna doodaha muhiim ahi waa Masaajidada, Masaajidaduna ma aha meel aakhiro uun loosoo shaqaystee waa meel adduunyada sida loo dhisayo lagaga hadlo,.”  Md Samatar oo ka jawaabayey su’aal nuxurkeedu ahaa astaamaha uu yeelan karo hoggaamiyaha Fiicani, ayaa tilmaamay inuu ugu horayn noqdo qof arkaya wax aanay dadka kale arki karin,  “Markaad hoggaamiye noqonayso waa inaad arkaysaa wax aanay dadka kale arkaynin oo aad lahaataa awood ka badan midda kuwa aad hoggaaminayso. Laakiin haddaan shalay ahaa nin reer Hebel ah oo kitaabkii yaraa halkii iigu jiro oo raadkeedii la arkayo halkii uunbaad ku noqon doontaa.” Ayuu yidhi Professor-ku. Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah Aqoonyahannada dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha ku takhasusay ee somaliland u dhashay, ayaan haatan ka hor si muuqata uga hadlin hankiisa la xidhiidha hunguri madaxnimo oo uu somaliland ka yeesho, waxana uu dhammaadka Sanadkan socdaal ku iman doonaa Dalka Somaliland sida uu afkisa ka sheegay Haddii eebe idmo.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS