haatuf.net
Arday Taabacsan Xubno Laga Eryey Jaamacadda Hargeysa Oo Khasaare Laxaad Leh Gaadhsiiyey Gaadiid Tiro Badan+Daawo Sawiradda
July 27, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, sale July 27, 2015 (Haatuf) – Arday gadoodsan oo taageersanayd laba kamid ah Hormoodka jaamacadda Hargeysa ooh ore shaqada looga caydhiyey, ayaa saaka khasaare laxaad leh gaadhsiiyey Gaadiid barxadda jaamacadda yaallay, iyagoo sidoo kalena jeex-jeexay nuxullada imtixaan saaka loo qoondeeyey inay ardaydu galaan.

Ardaydan oo sida la sheegay laba kooxood isku kala qaybiyey, ayaa qaybi weerarka Gudaha Jaamacadda ka bilowday markii loo ballansanaa  in ixtixaanaadka la galo, waxana koox kale oo wajiyada soo duubtay isla xilligaan weerar culus kasoo qaadeen bannaanka jaamacada, iyagoo xoog ku galay Jaamacadda, isla-markaana dhaqaxaan iyo waxyaabo kale oo  ay wateen ku burburiyey Muraayadaha Gaadiid barxadda yaallay.

Sidoo kale waxay ay Ardaydaasi sida qaarka mid ah Hormoodku jaamacaddu noo xaqiijiyeen ay si xoog ah kula wareegeen Nuxullo kamid ah imtixaankii Ardaydu saaka gelaysay, waxana ay si badheedh ah ugu jeexjeexeen isla goobtaas, iyagoo ciidamda ammaankana si xoog ah ku dhaafay.

Ardayda kacsan, ayaa taabacsan laba masuul ooh ore jaamacadda looga caydhiyey, kadib markii murankoodu batay, waxana ay muddoyinkii ugu dambeeyey ku gooddinayeen in labadaas xubnood lasoo celiyo.

Khasaaraha rabshaddan ka dhashay ayaa lagu sheegay mid ku kooban burbur jaamacadda ah iyo gaadiidka oo la burburiyay, halka la xidhay tiro kooban oo Ardayda rabashka samaysay ah, iyadoo sidoo kalena Ardaydaasi halis geliyaan Ammaanka hormoodka xilligan Jaamacadda Gacanta ku haya.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliska Somaliland, sarreeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo isla dhacdadaas ka Hadlay, ayaa   inay 16-qof u hayaan shaqaaqadaas, isla-markaana ku hawllan yihiin sidii nabadgeliyada jaamacadda Gudaheeda loosoo celin lahaa.“Maanta oo bishu 27 tahay, Jaamacadda waxaa ka furmayay Imtixaankii. Maamulka jaamacadda ayaa nala soo hadlay waxaanay nagu yidhaahdeen “ciidankii hore noogu joogay 10 Askari noogu soo kordhiya”. Anagu ciidan badan iyo qoladii dhar cadda ahayd ayaanu u dirnay. Ciidankaasi 5-tii subaxnimo ayuu tagay jaamacadda, hawlihiisii ciidana si fiican buu u watay” ayuu yidhi Taliye Fooxle.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Dhibaatada meesha ka dhacday waxay ka bilaamatay jaamacadda gudaheeda. Wax dibadda ka yimid oo ku soo duulayna ma jirin. Ciidanku wuxuu ku wareegsanaa Dayrka, badhna Kidimada ayay fadhiyeen. Markii Macalimiintii mid walba Imtixaankii ula galay Ardaydii, Ardaydii Imtixaankii ayay boobtay, dabeed waxay jeex-jeexeen iyo waxay daadiyeen bay ka dhigeen. Hawshaasi gudaha ayay ka dhacday wax dibadda kaga yimidna ma jirin. Intaasi markay dhacday Ardaydii dhagax tuur bay bilaabeen saddex ilaa afar baabuur oo gudaha yaalay Muraayadaha ayaa wax ka gaadheen, ilaa 6 dibadda yaalayna muraayaddaha ayaa wax laga yeelay”.Daawo Weerarkii Dhalinyarada Gadoodsani Ku Qaaday Jamacada Hargeysa Iyo Khasaarihii Hantiyeed Ee Kadhashay

Waxa uu sheegay in 16 Arday loo hayo falka Jaamacadda ka dhacay, arrintana tahay mid Maamulka iyo jaamacaddaha gudaheeda khusaysa “Ilaa 16 nin baa hawshaa loo hayaa, baadhistiina way noo socotaa, cidii sharcigu ku caddeeyana hawsheeda ayaa laga gudanayaa. Arrintan wuxuun baanu u arkaynay arrin xagga maamulkooda gudihiisa ah, kolay inaan wax badan ka sii sheegana ma jecli laakiin, anaga waxaa na khusaysa xagga ammaanka.Hore iyo imikaba waxaan arkayay dad meelo wax galgalinaya oo qolada jaamacaddu leedahay taliyaha ciidanka ayaa wax ka qaban waayay. Taliyuhu falkii hore uga dhacay Jaamacadda sii xaqa ahayd ee waajibka ahayd ayuu wax uga qabtay, tan imikana sidii ugu wacnayd iyo gacan adag ayaanu uga hawlgalay, waanan ku hambalyaynayaa saraakiisha ciidanka,” ayuu yidhi Taliye Fooxle. Source:hubaal.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS