haatuf.net
Siilaanyo Oo Galaaftay $100 Milyan Oo USA Siin lahaa Somaliland: Waxay Qawadeen Daacadnimadiisa La Dagaalanka Alshabaab
July 27, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa July 27, order 2015 (Haatuf) – Dawladda Maraykanka ayaa kaga dhabaysay joojinta dhammaan mucaawimooyinki ay siin jirtay Somaliland oo ku-talogalku  ahaa inay sanadkan iyo ka soo socda kor u dhaafaan boqol milyan oo doolar kadib marki ay madaxweyne Siillaanyo kala quusteen inuu wax ka badalo siyaasadihiisa ku aadan geedi socodki dimuqraadiga ahaa ee ka hana qaaday dalkan iyo waliba doorka uu maamulkisu ku leeyahay la- dagaalanka ururka Alshabaab taasoo ay Maraykanku hore u cadeeyeen in aanay raali ka aheyn isla markaana ay aad u qawadsanyihiin.

Sida uu wargeyska Indian Ocean Newsletter ku sheegay cadadkiisii July 24,2015 ,dawladda Maraykanka aya maamulka Siillaanyo kaga booday muddo-kordhinti iyo doorashadi u dib u riixay ilaa iyo April 2017 halki ay ka qabsoomi laheyd bishi ina soo dhaaftay ee  June 2015 iyo waliba kaalinta uu maamulkiisu kaga jiro la-dagaalanka xagjirka diineed .

Dhinaca kale dawladda Maraykanka aya ku gacan saydhay codsi uu Mr Siillaanyo kaga doonayey inay u fidiyaan martiqaad uu ku tago Washington D C waxaanay wadiiqooyinka diblomaasiyadeed u soo mariyeen fariin ah in dawladda Maraykanka uu kala soo xidhiidhi karo oo kaliya safiirkooda u fadhiya Nairobi ee Robert F Godec iyadoo sida uu wargeysku sheegay ay Maraykanka u-calaamadsanyihiin 5 qof oo ay damacsanyihiin  inay xayiraad(sanctions) saaraan mustaqbalka kuwaasoo kala ah xaaska Siillaanyo Aamina Waris,wiilka uu sodogga u yahay Baashe Cawil iyo labada wasiir ee Maxamuud Xaashi(Duulista)  iyo  Samsam Cabdi(Maaliyadda) iyo guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS