haatuf.net
Koox Dhalinyaro Ah Oo Ku Xidhan Taliyaha Bilayska Oo Markii 6-aad Galalafay Jaamacaddi Hargeysa
July 27, 2015 - Written by Abdillahi Hassan

FadalHargeysa July 27, treat 2015(Haatuf)-Koox dhalinyaro ah oo ku xidhan taliyaha Bilayska Cabdilaahi Fadal ayaa galinki horee maanta galalafay xarunti Jaamacadda Hargeysa xili uu halkaasi ay ka socdeen imtixaanada sanadkiiba mar lagu soo xulo ardayda cusub (freshman) ee ay jaamacaddu qaadanayso.

Weerkan oo ah kii lixaad ee  ay kooxdan lafteedu ku soo qaado xaruntan waxbarasho aya waxa ka dhashay khasaare lagu burburiyey  baabuurtii taalay barxadda gaadiidka la dhigo(parking) iyo qaybo ka mid ah xafiisyadi jaamacadda oo waxyeelo soo gaadhay.

Inkastoo ay bilaysku qabqabteen qaar ka mid ah dhalinyaradi weerarka geysatay hadana taliyaha bilayska Cabdilaahi Fadal oo marki falkani dhacayey la socday wafdigi madaxweynaha ee booqanayey Laascaanood  aya siday ilo xogogaal ahi noo sheegeen aan u bogin talabadan ay bilaysku xabsiga ugu taxaabeen qaar ka mid ah dhalinyaradi ka tirsaneyd kooxdi isaga ku xidhneyd iyadoo la filayo in uu xadhigga ka sii daayo.

Cabdilaahi Fadal aya caadeystay in uu kolba soo abaabulo weerarada ay kooxdani ku soo qaaddo xafiisyada iyo shaqaalaha jaamacadda ka dib marki jaamacadda laga eryey nin ay ilmaadeer yihiin oo macalin ka ahaanjiray.Ninkaasi oo la yidhaahdo Axmed Maxamed Cadaad aya waxa uu wali Jaamacadda ka qaataa mushahar baad ah iyadoo weerarki kan ka horeeyey ee ay kooxdani ku soo qaaday jaamacadda uu dhacay dabayaaqadi  bishi hore.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS