haatuf.net
“…Iskamaan Iman Hargeysa Ee Xukuumadda Ayaan Soo Weydiistay, Waxaanan U Imi Qoyska Xaaskaygii Garoowe Lagu Dilay Ay Kasoo Jeeddo”Madaxwaynihii Hore Ee Puntland Mr Faroole
July 29, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, capsule July 29, online 2015 (Haatuf) – Madaxweynihii hore ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee  Puntland Cabdiraxmaan Faroole, link ayaa markii ugu horraysay si toos ah uga hadlay socdaalkiisa uu ku jooga caasimadda Somalilnad ee Hargeysa, waxana uu sababeeyey safarkiisa Somaliland. Cabdiraxmaan Faroole oo muddo toddobaad ah haatan Hargeysa ku sugan, ayaa isagoo u warramayey idaacadda BBC-da, waxa uu sheegay inuu u socday tacsiyeynta qoyska uu la xididka yahay oo  Hargeysa deggen, isagoo iclaamiyey inay Socdaalkiisan xukuumaddu wax ka ogayd,cabdiraxmaan faroole“Waxan Hargeysa u imi qoyska ay kasoo jeeddo xaaskaygii oo Garowe lagu dilay, aad iyo aad baana Hargeysa la iigu soo dhaweeyey iskama aan imane xukuumaddaan soo wargeliyey xukuumadduna waa Aqbashay. Dadweyne, Asxaabtaydii, qaraabadii iyo odayaashii dhaqankuba si weyn bay iisoo dhaweeyeen.” Ayuu yidhi Faroole.  Mudane Faroole  oo su’aalo  laga weydiiyey arrimaha siyaaasadda Gobolka, ayaa ka cudurdaartay taas, waxana uu yidhi,  “Safarkaygu siyaasad kuma saabsanayn, waxa kaliya ee aan kula talinaya Maamulka Puntland-na waa inay Soomaalinimada adkeeyaan.” Madaxweynihii hore ee Maamul-goboleedka Puntland, ayaa deggen Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa, waxana wararka soo baxayaa sheegayaan inuu Markale la xididayo Reer Somaliland oo Xaaskiisii hore kasoo jeedday.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS