haatuf.net
Nuxurka Go’aamo Ay Is-Bahaysiga Mucaaridka Somaliland Kasoo Saareen Shirkoodii Hargeysa Ugu Qabsoomay
July 29, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, sale July 29, clinic 2015 (Haatuf) –  Is-bahaysiga mucaaridka Somaliland ayaa maanta go’aamo ka kooban lix qodob kasoo saaray shirkii ay ku qabsadeen magaaladda Hargeysa, ask iyadoo go’aamadaasi la filayey dhawrkii maalmood ee u danbeeyey inay soo saaraan.

Go’aamadaas ayaa iyagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:-

“1.       In Madaxweynuhu sida ugu dhakhsaha badan u fuliyo heshiiskii saddexda xisbi qaran ku heshiiyeen ee gogoshii madaxweynuhu fidiyay 26, May, 2015.

  1. Haddii madaxweynuhu fulin waayo heshiiskaas, waxaa muuqata inaanu madaxweynuhu rabin inay dalka ka dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah. Waxaa lagama maarmaan ah in aanu dalbanno in beesha caalamku na soo dhexgasho.
  2. Waxay labada xisbi go’aansadeen, in aanay aqbali doonin waxaan ahayn wakhtigii saddexda xisbi iyo xukumaddu isla qaateen ee ahaa December, 2015. Haddii xukumaddu fulin waydo heshiiskaas waxay labada xisbi ku noqon doonaan wakhtigii komishanka doorashadu cayimay ee ahaa in doorashada la qabto June, 01,2016.
  3. Inaanu go’aanka guurtidu waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga Somaliland, sababtoo ah ma jiraan shuruudaha ku xusan qodobka 42-aad, farqadiisa 5-aad ee dastuurka ee sheegaya duruufaha doorashada dib u dhigaya. Inaanay guurtidu xaq u lahayn laalista wakhtiga komishanku cayimay, islamarkaana aanay xaq dastuuri ah guurtidu u lahayn cayimaada doorashada.
  4. Anagoo ka duulayna  dhammaadka muddo xileedka madaxweynaha iyo golaha wakiillada, iyo go’aankii maxakamadda sare soo saartay ee ay ku amraysay in si degdeg ah loo soo afjaro khilaafka wakhtiga doorashada, waxaanu diyaar u nahay fulinta amarka maxakamadda.
  5. Shirku wuxuu go’aamiyay in nabada, xasiloonida iyo jiritaanka madaxbanaanida Somaliland tahay muqadas”.

Dhinaca kale waxaa go’aankaasi ku saxeexnaa Guddoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Labada hogaamiye xisbi ayaa madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu fuliyo heshiiskii ay  mucaaridka la galeen dhawaan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan oo dhamaystiran

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS