haatuf.net
“ Xukuumadda Somaliland Waxay Kaga Jirtaa Beesha Caalamka Go’doon Siyaasadeed…”Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen
August 1, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, click August 1,  2015 (Haatuf) – Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland iyo beesha caalamka uu ka jiro go’doon siyaasadeed, isla markaana la xanibay deeq Somaliland uga iman jiray beesha caalamka, kadib markii doorashadda qabsoomadeeda aan ilaa hadda la cayimin.

Murashax Jamaal wuxuu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay Telefishanka Somnews, waxaanu nasiib darro ku tilmaamay in xukuumaddu ka faa’idaysan kari wayday booqashaddii Obame ku yimi dalalka Itoobiya iyo Kenya, isla markaana khudbad taariikhiya ka jeediyay Midowga Afrika“Booqashadii uu Madaxweyne Obama ku Marayay Geeska Afrika waxa ay ahayd in aynu ka faa’iidaysano, fursad ina seegtay weeyaan, Dawladii hore ee Daahir Rayaale shirarka marka ay tagaan xitaa hadii ay geli kari waayaan banaanka ayay istaaagi jireen oo waraaqo ayay qaybiyeen, qadiyada Somaliland ayay iibin jireen.

Meeshaasna qof kasta oo shirka ka soo qayb galay waxa uu dareemi jiray in Somaliland gooni isu taageedu uu jiro, inagana sidaas oo kale ayaa la inooga baahnaa, markaa safarkii uu Madaxweyne obama ku tagay Bariga, malaha waxa ku haboonayd in Wasiirka arrimaha dibada ama isaguba in uu tago shirkaasi midawga afrika” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen,  waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Guurtida iyo barlaamaanka oo bilaa sharci ah ayaynu galay dawlad bilaa sharci ah, sawir aan wanaagsannayn ayay muujinaysa. Somaliland waa la casuumi lahaa haddii ay sideedii ahaan lahayd, arrimaha noocan ah waa lagu casuumi lahaa waana lagu dhiiri-gelin lahaa wadamadda dimuqraadiyadda, laakiin waxay ku tusaysa in beesha caalamka iyo Somaliland waxa ka jira go’doon siyaasadeed ahi ku jiro, waxaynu ognahay in deeqo caalami ah laga leexiyay Somaliland.”Jamaal Cali Xuseen

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS