haatuf.net
Weftigii Madaxweynaha Oo Gabal-Dhicii Shalay Dhabarka Ka Jebiyey Sharciyada Wadda Marista Caasimadda Iyo Su’aal Shacbigu Iska Weydiiyey Xasaannada Qaanuunku Leeyahay + Sawiro
August 3, 2015 - Written by Admin Two

 “Cadibaad Iyo Caqabad Sharci Darro Ah Oo Ka Dhashay Isu Socodka Gaadiidka”

 

Hargeysa, erectile August 3, 2015 (Haatuf) – Madaxweyne Siilaanyo iyo waftigii uu hoggaaminayey ee Kasoo guryo noqday Gobollada Bari ee Dalka, ayaa maalintii shalay Magaalada Hargeysa geliyey khalkhal dhinaca isu socodka waddooyinka ah, waxana gebi ahaanba istaagay Habsami-u-socodkii Waddooyinka Waaweyn ee Magaalada. Soo guryo noqoshada madaxweynaha, ayaa ahayd mid gebi ahaanba burburisay Hannaankii waddo-mariseed iyo shuruucdii Gaadiidka Caasimaddu u isticmaali jireen Waddooyinka Magaalada, Waxana uu madaxweyn muddo saacado ah isku xannibnaa gaadiidka kala duwan ee Caasimadda waddooyinkeeda adeegsada. maddax sharciga ka saraysaWaxa gebi ahaanba socodka madaxweynuhu dhabarka ka jabiyey jihooyinkii sharciyan loo qoondeeyey in loo isticmaalo waddooyinka, waxana uu adeegsaday markii uu qasriga madaxtooyada kusoo hoyanayey waddo qaldan oo aan habboonayn inay gaadiidku isticmaaalaan marka ay u socdaan jihada Bari ee Caasimadda. Waddada Madaxweynuhu shalay marayey oo ahayd waddada wadnaha magaalada ayaa sharciyan waxa adeegsada gaadiidka u socda Jihada Bari ee Magaalada, waxana ka reeban inay maraan Gaadiidka u socda dhinaca Galbeedka, balse madaxweynuhu shalay sharcigaas isagaa ugu horreeyey cid jabisa.  Sharcigan uu madaxweynuhu noqday qofkii ugu horreeya ee jibaya, ayaa wax aka dhashay inuu khalkhalo gebi ahaanba hannaankii waddo mariseed ee caasimaddu, waxana saxmad iyo cidhiidhi galay Boqolaal gaadiid ah oo hawlo kala duwan u marayey waddooyinka ku hareeraysan midda madaxweynaha iyo waftigiisa loo xidhay. Dhibaatooyinka ugu badani waxa ay maalintii shalay ku dhaceen Gaadiidka Basaska oo iyagu siday Shacab rakaab ahaa iyo waliba Arday ay dugiyo kala duwan kasoo rawaxiyeen, waxana ay muddo saacado ah ku xannibnaayeen Dariiqyada ku hareeraysan Waddadan madaxweynaha loo xidhay oo aan cid kale loo oggolayn. Gaadiidlayda iyo dadka kale ee rakaabka ah, ayaa dhibaatada waddadaas madaxweynaha loo xidhay ay maalintii shalay si weyn u taabatay, waxana laga dareemayey sida ay uga murugaysan yihiin in madaxweynihii qaranku noqdo qofka ugu horreeya ee sharciga dalka gacantiisa ku janbiya, isla-markaana aan dhaaddanayn dhibaatada dadkiisa kasoo gaadhaysa. Ciidamada Waddooyinka dalka, ayaa iyagu sidoo kale horboodayey waftiga madaxweynaha, waxana ay qayb ka ahaayeen sharci jebintii shalay dhacday ee lagu burburiyey hannaankii waddooyinka caasimadda loo mari jirey. Waxyaabaha kale ee shalay shacabka Reer Hargeysa ku arkayeen Soo noqoshadii madaxweyne siilaanyo, ayaa waxa kamid ahaa Gaadiid dab-damisyo ah oo iyagoo tumaya Dhawaaqa dhiillada leh horboodayey madaxweynaha, kuwaas oo looga gol lahaa kaliya in wadddooyinka lagu bannaysto oo gaadiidka kale lagu kala eryo. Sidoo kale waxa Waddooyinka la tumay Haween iyo dhallinyaro abaabulan oo soo dhaweynta madaxweynaha u dabranaa, kuwaas oo muddo dheer dariiqa qarkiisa taagnaa.  Madaxweyne Siilaanyo iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa sida ay habkii waddo-marista caasimadda ugu tunteen shalay si weyn loo hadal hayey, waxana wali aan la haynin sababta keentay inuu madaxweynihii qaranku sharciyadda jabinteeda ku ku-tumasho-deeda horseed ka noqdo, iyadoo marka sharciga waddooyinka magaalada loo maro la eego ay xaq ahayd inuu madaxweynuhu adeegsado waddada Jeelka weyn hormarta ee Cisbitaalka Hargeysa dhabarkiisa marta. Sababta Madaxweynaha waddadaas looga duway ayaa dadkii shalay goob joogga ahaa ku sheegeen inay tahay waddo si weyn u jajaban, isla-markaana loo diiday inuu madaxweynuhu dariiqaas maro, balse taasi wax xaqiijinaya lama hayo.Source:Hubaal.

Halkan hoose ka daawo Sawiraddamaddax sharciga ka saraysa

_DSC0004-vert

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS