haatuf.net
Kuuriyada Waqooyi Oo Wakhti U Goonni Ah Samaystay
August 8, 2015 - Written by Admin Two

Pyongyang, ed August 8, 2015 (W.Wararka) – Dalka Kuuriyada waqooyi ayaa maalintii shalay ee Jimcihii ku dhawaaqdey in saacadaha dalkaas, dib loo celinayo muddo 30 daqiiqo ah, si loo saxo xilliga saacadda ee mandaqaddaas.  Baarlamaanka Kuuriyada Waqooyi ayaa isku raacay in meesha laga saaro xilligii saacadda ee isticmaarkii Jabaanku keenay. Arrintan ayaa ku soo beegamaysa iyada oo dalka Kuuriyada Waqooyi laga xusaayo kadib markii ay ka baxeen isticmaarkii Jaban. Korea sets up new time zoneDalka Jaban ayaa dalkii Kuuriya la odhan jirey ka talinaayey 1910 -1945., Waxaana ay xilliga Saacadda dalkaas bedeleen sanadkii 1912. Koonfurta Kuuriya ayaa dib u saxdey saacadii laga bedalay sanadkii 1954, kadib dagaalkii labada Kuuriya, haddana waxay dib ugu noqdeen xilligii Isticmaarkii Jaban u sameeyey sanadkii 1961, kadib markii uu awoodda talada la wareegay Park Chung-hee. Xidhiidhka dalka Jaban iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa ah mid aad u xun, waxaana Jaban ka sameeyey Kuuriya gabood fal iyo addoonsi.korea sets up new time zone

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS