haatuf.net
“Madaxweyne Waxa Caddaatay Inaad Toos Uga Baxday Heshiiskii Axsaabta Adigoo Door Bidaya Ayaamaha Yar Ee U Dhexeeya….”Maxamed Nuur C. Duur
August 8, 2015 - Written by Admin Two

“Guurtidii Ayaa Diiday Madaxweynihii , ambulance Shacabkiina U Sheegtay ! Waa Xaajo Ugub Ah !.”

 

Hargeysa, arthritis August 8, hospital 2015 (Haatuf) – Maxamed Nuur Carraale Duur, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xukumadda Siilaanyo, haatana ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa la yaab ka muujiyay guddi haldoorka guurtida ah oo shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha islamarkaana sheegay inay si cad u diideen inay ayidaan heshiiskii asxaabta. Waxa uu arrintan ku tilmaamay mid ii dheh ah oo aan daacad laga ahayn. Waxa uu soo jeediyay qodobo dhawr ah oo uu ku dhaliilay hanaanka siyaasadeed ee Somaliland.

Shalay ayaa kulan aan laga helin xogo madax banaani dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo guddi guurtida metelaysay, waxaana muuqaal telefishanka qaranka oo ahaa warbaahinta kaliya ee loo ogolaaday laga baahiyay guddida guurtidu sheegtay inay si cad u diideen arrinta madaxweynuhu hor dhigay oo ay sheegeen inuu ka dalbaday inay ogolaadaan heshiiskii asxaabta, balse ay si cad u diideen.

Mudane Duur oo boggiisa Facebook soo dhigay qoraal uu arrintan kaga hadlay ayaa yidhi “GUURTIDII AYAA DIIDAY MADAXWEYNIHII ,SHACABKIINA U SHEEGTAY ! WAA XAAJO UGUB AH ! .

Waxaan is leeyahay shacabka reer somaliland labo qodob midna kuma cusba , umana baahna sheegid iyo shharaxaad midna :

Siyaasada somaliland taalaa waa mid soo noqnoqota sida habeenka iyo maalinta oo ma jirto wax ku cusub marnaba . Waayo ? Waxaan jirin kala duwaanshihii mabaadida siyaasadeed iyo aragti ku dhisan in la eego mustaqbalka fog .

Markaa waa in aynu fahanaa si cad inta aynaan hadlin inay garan karaan waxaynu odhon doono , waayo waxaa ku filan kaad tahay MUCAARAD IYO MUXAAFAD .

Guurtiduna malaa iyada mawqifkeedu waa DIIN DHARAARED .

2 . Dadku maanta way ogyihiin inay maqantahay hogaamintii abuuri lahayd aragti cusub ( hal abuur ) , ama hogaankii keeni lahaa xal waara isagoo soo bandhigaya xaqiiqda jirta.

Waayo ? Waxaa maqan dhiiranaantii lagu dhiiran lahaa runta , waxaa maqan gudoonkii, waxa maqan go’aankii .

Hadaba inta hadashaa een ka midka ahay aan is waydiino fariinta aanu gudbinaynaa siday shacabka u gaadhay si togan mise si taban .

Hadaba Madaxweyne fariintii guurtidu na soo gaadhee maxaa nooga baxay ?

A . Waxaa muuqday madaxweyne in masuuliyadii koowad ee hogaamintu ahayd cadaynta xaqiiqda jirta inay maqantahay.

Inaad ka baxday heshiiskii sadexda xisbi iyo xukuumadu saxeexeen adoo ka door bidaya danta qaranka maalmaha kooban ee u dhexeeya .

C . In guurtida warkeedii ahaa ii dheha ma dhaafi karo heshiiskiiye .

D . In dhaxalku yahay wax kasta waxooda lagu gudaa ! ( fail to honor people , they fail to honor you )

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS