haatuf.net
“Boqolaal Gacan Ku Dhiigle Ayaa Jeelasha Ku Jira’e Xukuumadda Waxaan Leeyahay Naga Dhamaystira Qisaasta”
August 8, 2015 - Written by Admin Two

“Marka La Xisaabiyo Dilalka Dhowrkii Bilood Ee U Dembeeyey  Ka Dhacay Bari Illaa Galbeed, order Waxa Ay Noqonayaa Dilkii Ugu Badnaa Ee Somaliland Ka Dhaca, Waxaana Ugu Dembeeyey”Sheekh Aadan Siiro

Sheekh-Aaden-Siiro4

Hargeysa, August 8, 2015 (Haatuf) – Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro) oo ka mid ah culimada reer Somaliland  ayaa ka hadlay kiisaska dilalka ee badanaa ka dhaca Somaliland, khaasatan kuwii u dembeeyey ee magaalooyinka dalka ka dhaca, waxaanu sheegay in arrintaasi haddii aan loo jid bixin oo aan la fulin ay  cawaaqib xumo hor seedi karto.  Sheekh Aadan Siiro oo khudbadii jimcaha ee shalay uu ka jeediyey masaajidka QUBA [Xawaadle] kaga hadlay qisaasta iyo qaabka ay shareecadu u dhigtay waxa uu tusaale u soo qaatay dil dhawaan ka dhashay muran dhuleed oo ka dhacay galbeedka Hargeysa. Sheekha oo arrimahaa ka hadlaya qisaasta iyo saamaynta ay nolosha ku leeyihiin waxa uu yidhi Sheekh-Aaden-Siiro4“Sidaynu ognahay dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay dil badan baa ka dhacay Somaliland guddaheeda bari iyo galbeedba marka la xisaabiyo nisbada sanadkiina waxay noqonaysaa  dilkii ugu badnaa ee Somaliland ka dhacay buu ahaa, waxana ugu dambeeyay laba cisho ka hor kii ka dhacay meel u dhaw Maqaaxida Inanta” sidaa ayuu yidhi sheekhu waxaanu intaa ku ladhay “waar qisaasta hala fuliyo oo nin dadka laynaya oo sabab la’aan ku dilaya ama dhul ku dilaya, hadaynu sharciyayno oo aynu dabogalno, oo aynu difaacno qofka dadka laynaya waxay keeni doontaa wadaad iyo waranle iyo wasiir iyo nin magac sheegta iyo nin lacag leh ba in fidnadu ay nin walba halkiisa ugu soo gali doonto, laakiin inta yar ee aynu ku nabadgalaynaa ee nabadgelyada ku ilaashanaynaa waxa weeyi, dawladda maanta jirta waxaanu kula talinaynaa dawladda waar qisaasta hala fuliyo, waxaanu kula talinaynaa cuqaasha, waar qisaasta hala fuliyo, waxaanu kula talinaynaa culimada, waar qisaasta hala fuliyo, waxaanu kula talinaynaa tujaarta iyo dadka aqoonta leh in qisaasta la fuliyo oo aan la taageerin magacuu doono ha yeeshee qofka dhiig Islaama gala ee u kasa”.  Sheekhu mar uu ka hadlayay Lixdii qof ee dhawaan ay xukuumadda Somaliland ku fulisay xukunka qisaasta ayaa yidhi  “berigii dhawayd ee Lixda qof dilka lagu fuliyey qof Muslim ah oo dareen diineed leh oo dalka dan ka leh oo inuun wax ukala muuqdaan oo duruufteena o goo aan hambalyayni ma jiro, aniguba markii aan Operation-ka marayay bay ahayd oo waxaan ka mid ahaa dadkii soo hambalyeeyay”.  Sheekhu waxa sidoo kale ka hadlay hay’addaha xukuumaddeena ka hor jooga arrimaha qisaasta ayaa yidhi;  “adeer dalkan yar inagaa iska leh, inagaa ku tashanay, inagaa isku nimid, inagaa maamulkeenan yar iyo waxaas u samaysanay gaal iyo Islaam cid wax ina tartay ma jirto, waxay inagu haystaan waa intaa calankeena ku taal ee Tawxiidka”.  gabagabadii Sheikh Aadan Siiro waxa uu soo jeediyay tallooyin “taladeena oo kooban waxay tahay dilkii waa batay askar masaakiin ah oo badan baa la laayay oo aad u tabcaan ah oo Boqol Doolar qaata oo intaas oo carruura leh oo inagu dhex nool ood ogtihiin waxay qaataan waxay tarayso, inaga gudaheenii baa is dilay maxaynu kaga hortagi karaynaa. Kow Xukuumadda waxaanu leenahay inta maanta joogta  ee dadkoodii yidhaahdeen ha lanoo dilo sanado haka dhiginee mar keliya naga dhamaystir boqolaal baa ku jira jeelasha’e. ta labaad salaadiinta iyo cuqaasha iyo odayaasha hormoodka u ah waar si aad idinku u nabad gashaan waxaad ku dadaashaan qofka yidhaa ha la ii dilo iyo qofka u kas u dila qofka walaalkiisa inaan mag laga qaadin inaguna dee aynu barnaamijkaas u ololayno, haddii kale dhib badan baa inawada gaadhaysa”.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Sheekh Aadan Siiro oo dhamaystiran:-

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS