haatuf.net
Hirarka Cilmaaniyada Oo Hargeysa Hadheeyay!!! W/Q: Mohamed Ahmed Xassan
August 8, 2015 - Written by Admin Two

Halku dhiga carwada waxaa kusoo noqnoqday erayga Space (faalal), unhealthy runtii faalalka waxaa soo hoos galaya sida ku cad buug gacmeedka Carwada macnayaal badan balse waxaa jira jiho uu usocdo oo aan la dhaadayn , viagra halka dadka wax odorosaa ay sheegayaan in uu ka gun dheeryahay macnaha loo dhigayo seeska sida dabacsan, look iyadoo sal looga dhigayo doodaha furan ee bilaa xayndaabka ah. Si doonista nafta looga dhargiyo  iyo raaligalinteed si ay  guddubto  dabar Aadamaha Allaah u dhigay. loona noolaado si ka hoosaysa mayeedhaanka, balse masiibaduba waa haddii ay iyaga ku kooban tahaye waxay sadhaynayan dhamaan aadamaha iyagoo adeegsanaya qaar ujibaysan dhaldhalaalkooda meelkastana u horboodayo , takale wixii nacfiga lahaa masoo jilaabayaane waxay ku asqoobeen erayga Xoriyad bilaa hayndaaba, waxaana loo socdaa in bulshada lagu dhexbeero geedka xoriyada billaa xayndaabka ah si loogu shubo afkaar qadhaadh oo qas iyo tashwiish u badan taasina ku aroorto fasahaad nololeed.question mark

Tabaha diirada ay saaraan ee ay dadka kasoo galaan waxa halku dhig u ah in dhaqanka la buun buuniyo oo heerkiisa meel dhaafsiisan lagaadhiiyo iyo awooda aadamaha oo isna heerkiisa la dhaafiyo iyo caqliga oo lakormariyo xayndaabkiisa diimeed. iyadoo isha laga lalinaayo dhamaan tubaha toosan. Waxaa dunida ka caana duulaanka loo yaqaan duulaanka maskaxda oo meelo badan biyo dhigay waana yool aad ilayska loogu raadsho si loo hanto waxaa loo soo maraa waddiiqooyin gacmo sokeeye oo si hoose ugu tallaalan  waana mawjado culus oo u ciilan  dhaxal wareejinta Caqiidada saafiga ah ee samaawiga ah una dambaysay dhambaaladii xaga rabi kayimid. Dagaalkanina maaha mid cusub ee waa soo jireen guuna waxaana uu soo laba kacleeyaa markasta oo dadka islaamku daciifaan ama bukoodaan kana gaabiyaan ku dhaqanka iyo ku dhaganaanta milgaha suuban ee ku salaysan Quraanka iyo Sunaha waxayna ka faaiidaystaan bukaanimadiisa sababna u tahay marka dadkiisu ku qarqoomaan dhaldhalaanka Adduunyada, balse ma dhinto ee dhul u dhiciisa ayaa fursad wayn u ah Allaa Koodyada.

Waxaase wax laga naxo ah in indheergaradkii dadkan iyo dalkani dhaadiwaayaan duullaanka inagu soo muruxsaday si toosana inoogu eekaysan mabaa’di’deenii. Butaacan hirarka taariikh ahaan waxay dunida Islaamka kasoo galeen dalka Masar iyo Turkey oo bulshooyinkaa qaybo kamida injiijka laga badalay waxaana hada tusaale noola dalka Kuwait dagaalkii ciraaq dabadii dhamaan dumarkii la qaawiyay dhalintiina la duufsaday,(nin kuwaytiya oo sheekhaa wuxuu yidhi qabsashadii Saddaam waxaa nagaga darran qabsashada Maraykan ee dhaqankii islaamiga ahaa saameeyay) waxaanad arkaysaa waddamadaa dad islaam u nasab sheeganaya oo intay afka kala waaxaan leh Diintu wax shaqo ah kuma laha nolosheena ee waa Aalad cibaado, waana halka loo ham iyo hidig leeyahay. Waxayna leeyihiin naadiyo iyo xisbiyo, ururo afkaartaa sicad ugu baaqa. Masar waxaa laga soo galay iskuul Cilmaaniyada oo laga furay magaalada iskandariya oo dabada ku hayay kuwa neceb islaamka.

waxa foodsaare u ah in bulshada laga dhex abuuro bulshooyinka caafimaad qaba si ay u noqoto baruurbaa baruuryo qudhmisa, ama guddun yahay imaad goyseen ee badhkay baa kugu jira. Waxaanay qaddisaan dhaqank waa halbeega halku dhiga u ah in laga mashquulo wixii la inoo abuuray.

Runtii qawlaysatadani manastaa waxaana muuqata eraygii ahaa Qalwaddii masbaa galay, maantana waxaa inagusoo dareeray maskaxo iyo mabaadii aan lamahadin doonin haddaan loo istaagin siddii loogu nasteexayn lahaa bulshadana looga dhawrilahaa, waxaana jira magacyo iyo astaamo huwan ajandayaal hoose oo la haddoodilay oo aad arkayso dad u jibaysan. Waxaana foodsaar ka dhigtaa iyo shay ay ku gabadaan xoriyda haddalka iyagoo dodo hordhaca sameeya kuna gabagabooba dodo taabanayana caqiidadda umada. Waxaa dhalinta lagu jeediyay qorida buugaag waxaana ku xiga dodo sida dhalin badan oo hadda waji buuga isticmaashaa soo qoraan haddalo gaalnimo cad ah sida roobka duco ma keento ee waa shay cimiladu keento iyo waxyaabo kasii liita doodaha kuurka inagu soo hayaa waa kuwaa iyo qaar kale.

Waxa Naarta qofka u jiida afar Arrimood Nafta xumaanta jecel, shaydaanka, rabitaanka, iyo wixii tashiisha. Waxay qolyahani adeegsaddaan tashwiishinta waxaana laga caafimaadaa cilmiga iyo iimaanka oo la xoojiyo, guntii iyo gababgabdii waxaynu galnay cahdi cusub oo dhinaca afkaarta kulul oo khatara si hoosana u faafaya kuna eekaysan Caqiidada saafiga ah in la digtoonaadaana waa in daanwayne. Waana in sutti gaashaan loo qabtaa waayo dadkan iyo dalkan waxaa loosoo shubay dhiig in caqiidadiisa qaar dhuuni raaca ay siyar u xaddaan laga yeeli maayo, waxaan aad ugu farxay qoraal uu ka qoray waryska xukuumada ee dawan oo kusaabsan shakhsiyaadka horboodaya oo taariikhdooda madaw ee nolosah. Xukuumadu waxa ugu horeeya ee masuul ka tahay waa diinta iyo caqiidadda in ay ilaaliso sidaa daraadeed waa in ay doorkeeda ciyaartaa.

BY: Mohamed Ahmed Xassan.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS