haatuf.net
Interpol Iyo Ethiopia Oo Iska Kaashanaya Qabashada 7 Ma-gafe Oo Dadka Tahriibin Jiray
August 8, 2015 - Written by Admin Two

Addis Ababa, cialis August 8, order 2015  (W.Wararka)  – Waaxda ka hortagga tahriibta dalka Ethiopia, order ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay 7-qof oo ka mid ah kooxaha dadka tahriibiya ee ma-gafeyaasha loo qayaan, kuwaas oo  laga soo qabtay wadamada kala ah Kiiniya, Suudan iyo Tansaniya iyada oo la kaashanayo booliska caalamiga ah ee loo yaqaano Interpol.

Sarkaal ka mid ah waaxda ka hortaga tahriibka ee ciidamada amaanka Itoobiya, Wondimu Chama, ayaa sheegay in kooxdani ka mid ahayd mareeg isku xidhan oo ka ganacsata dhoofinta dadka.

Dawlada Itoobiya ayaa hadda ka hor ku dhawaaqday in shraciga la horkeenay 17 qof oo tahriibiya dadka oo ku sugna gudaha dalka.

Dad aad u tiro badan ayaa Itoobiya ka tahriiba iyaga oo isku biimiya safaro khatar ah si ay u gaadhaan wadamada Carabta ama Yurub. Tahriibiyaasha ayaa inta badan nolol raadis ah, balse waxaa ku dhax-jira dad saluugsan siyaasada dawlada oo ka cabsanaya in la qabto.

Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo ka mid ahaa goobaha ka ladan tahriibka ayey dhibaatadu sanadihii dhawaa taabatay. Waxaa lagu soo waramaya in dhalinyaro badan iyo xubno ka mid ah shaqaalaha dawladu in ay gobolka ka tahriibaan si ay uga diga-rogtaan xaalada ay ku nool yihiin.

Waaxda ka hortaga tahriibka ayaa laamo ku leh Addis Ababa, Dirdhabe oo ah xaruumaha laga hago hawlgalada dalka laga tahriibiyo.

Itoobiya ayaa sheegtay in ugu yaraan 80-qof oo ku baahsan caalamka ay ku mashquulsan yihiin ganacsiga tahriibka. Dawlada ayaa sheegtay in xidhiidh la sameysay dalalka kale iyada oo la iska kaashanayo sidii loo soo qaban lahaa dambiilyaasha.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS