haatuf.net
Amar Ay Bixiyeen C/Laahi Fadal Iyo Cali Warancade Oo RRU-Du Galabta Ku Dishay Hargeysa Wiil 7 Jir Ah Oo U Dhalay Mujaahid Axmed Jabaan
August 9, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, online August 9, 2015 (Haatuf) – Ciidanka RRU-da ayaa dilay wiil yar oo 7 jir ah oo uu dhalay mujaahid Axmed Jabaan oo ka mid ah mujaahidiintii ururkii SNM, iyadoo uu wiil kale oo uu dhalayna uu dhaawac halis ah qabo oo ay ciidanku xabad ku dhufteen ciidankaasi.

Sidoo kale Mujaahid Axmed Jabaan ayaa isaga maanta galinkii hore la xidhay isla markaana galabta, iyadoo abaaro shantii galabnimo-na ay ciidanka RRU-da cagta mariyeen qoyskiisa iyagoo fulinaya amar ay ixiyeen Taliyaha Bilayska C/laahi Fadal iyo Wasiirka Daakhiliga Cali Warancade.

Qoyska Mujaahid Axmed Jabaan ee ay ciidanka RRU-du cagta mariyeen ayaa degan meel ku dhagsan xerada ciidanka Taraafiga ee xaafadda Jigjiga yar oo dhinaca galbeed kaga dhaw kaalinta Indha-birta ee xaafadda Jigjiga Yar, kuwaas oo sida ay Haatuf u sheegeen dad xogogaal ahi dhul ay leeyihiin looga qaadayey nin ay Madaxwayne Siilaanyo isku jufo hoose yihiin, kaas oo sifo sharci-daro ah dhulka ay xukuumadu ugu wareejinaysay, taasina ay sababtay in rasaastii qoyska Mujaahid Axmed Jabaan ay u adeegsadeen ciidanka RRU-du inuu ku dhintay wiilkii ugu yaraa caruurtiisa oo todoba jir ah.

Wixii kasoo kordha dhacdadaas foosha xun kala soco Haatuf.net.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS