haatuf.net
Baadhitaan Uu Sameeyey Suxufiga Maxamed-Amiin Oo Kashifay In Shiinaha Macdanta Ka Gurta Deegaanka Siimoodi Iyo wasiirka Tamartu Ay Shuraako Yihiin
August 9, 2015 - Written by Admin Two

“Shirkadda badankeeda waxa iska leh dawladda Somaliland”Mr David

 

Hargeysa, allergy August 9, 2015 (Haatuf) – Baadhitaan (Investigative Journalism) uu sameeyey suxufi reer Somaliland ah oo la yidhaahdo Maxamed-Amiin Jibriil oo xalay laga daawaday Star TV ayaa waxa uu banaanka soo dhigay xogo qarsoonaa oo ku saabsan shirkadda African  Resources Corporation (ARC) oo macdan qaali ah ka qoda deegaanka Siimoodi ee gobolka Awdal iyo xidhiidhka u dhaxeeya shirkaddaasi iyo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale.

Waxyaabaha cajiibka ah ee soo ifbaxay waxa ka mid ah shirkadda ARC oo markii hore loo haystay in laga leeyahay dalka Shiinaha oo noqotay mid lagu aas-aasay Somaliland, isla markaana aan haba-yaraatee meelna kaga diwaangashanayn dalka Shiinaha,  iyadoo ay wasiirka macdanta iyo ninka Shiinaha ah ee sheegta inuu shirkadaasi masuul ka yahay marka uu suxufi Maxamed-Amiin labadooda waraysanayo uu mid walba gaarkiisa u qiranayo in ARC ka diwaangashan tahay Somaliland.

Ninka Shiinaha ah oo sheegta magaca David oon ahayn magaciisa dhabta ah ayaa waxa kasoo dhacay hadal uu ku odhanayo “Shirkadda badankeeda waxa iska leh dawladda Somaliland” halka markii hore ku adkaysanayey in shirkadda ARC ay ku xidhan tahay oy hoos-tagto shirkaddo kale oo dalka Shiinaha laga leeyahay. Hase yeeshee heshiiska 20-ka sanadood ah ee uu wasiir Xuseen shirkaddaasi ARC u saxeexay ayaa waxa uu u ogolaanayaa inay toos u yeelato ilaa 60% macdanta lasoo saaro si ay ula soo noqoto maalgalintii ka gashay mashruucaas, halka macdanta hadhay oo 40% ah marka laga jaro dhamaan kharashaadkii ku baxay wadista mashruuca, wixii faa’ido ah ee kasoo baxa( net profit) ay shirkaddu hadana yeelanayso 30%, halka 70% hadhayna loo qoondeeyey in xukuumadu qaadato.

Sidan uu wasiirku u dhigay saami-qaybsiga, waxay ina tusaysaa inuu shirkadda ogaan ugu sad-buriyey oo cida uu danaynayaa ay iyada tahay. Waayo markay shirkadu 60% macdanta lasoo saaro ay iskeed dibadaha ugu iibgaysato ee qiimaha macdanta soo hadhay uu dul-fuulo kharashaadkii mashruuca lagu waday oo dhan, walibana hadii ay faa’ido yari kasoo baxdana ay shirkadu qayb 30% ku yeelanayso, waxa iska cad in wasiirku aanu ku talo-galin in khasnada dawladda wax naf lihi kasoo galaan mashruuca.

Macdanta ay shirkadu dalka ka guranayso waxa ka mid ah Titanium iyo Beryllium  oo ah macdano gala sancada diyaaradaha, gantaalaha, computer-ka, qalabka electronics-ka iyo isgaadhsiinta. Waxa kale oo ka mid ah macdanta la yidhaahdo Columbite oo qayb mihiim ah ka ah waxyaabaha laga sameeyo telefoonada mobile-ka. Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sheegayaa inuu shirkadda heshiis la galay 2014-kii balse sanaki 2013 ay macdanta dalka ka dhoofin jirtay .

Heshiiskan oo ay Haatuf nuqul ka mid ah heshay ayaa waxa uu shirkadda ARC u fasaxayaa inay macdanahaasi kor ku xusan ka qodato dhul cabirkiisu dhan yahay 1,520 km sq. Wasiirku waxa uu sheegayaa in shirkadu aanay hawlaheedii rasmiga ahaa wali bilaabin. Hase yeeshee sida ku cad documents uu Maxamed-Amiin baadhitaankiisa kusoo bandhigay shirkadda ARC waxay dibadda u dhoofisay macdano badan oo uu wasiirku la ogyahay. Markii arrintaasi wax laga waydiiyey ee la hordhigay documents ku saabsan shixnad macdan 30 ton ah oo la dhoofiyey ayaa waxa uu wasiirku ku tilmaamayaa inay ahayd macdan muunad ah (sample). Macdanta Beryllium   ayaa halkii kiiloo waxa suuqa Shangahaay ee dalka Shiinaha laga siiyaa 5500 ilaa 6000 Renminbi oo lacagta shiinaha ah, taas oo u dhiganta $823 ilaa $898. Dhinaca kale waxa soo ifbaxaya in shirkadu ay kootarabaaniso qaybo ka mid ah macdanta ay dalka ka saarto, iyada oo uu Maxamed-Amiin soo bandhigay documents arrintaasi cadanaya.

Kala Soco Haatuf.net  arrimo kale oo baadhitaanka kasoo baxay.

 Halkan hoose ka daalaco Muuqaalka baadhitaanadaasi iyo documents-kaba:-

 

 IMG_0003 IMG_0001 IMG

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS