haatuf.net
Talo Gacanta Uguma Jirto Madaxwayne Siilaanyo; Qalinkii Madar Nuur.
August 10, 2015 - Written by Admin Two

Maalin wanaagsan,maan jeclayn inaan siyaasad ka hadlo laakiin waan aamusi kari waayay!!!                                                                 Sideed qodob oo cadaynaya inaanu siilaanyo awood buuran iyo talo midna gacanta ugu jirin.                                                                           1. Wasiiradiisa ayaa musharixiin isku haysta muddo saddex sanadood ah isaga oo musharax ah siduu sheegay

  1. Axmed siilaanyo waa hogaamiye dimuqraadi ah wuxuu balan qaaday mudada doorashada inaanay maalin dhaafayn wuxuuna waayay karti uu ku hubiyo hawsha doorashada. 3.wuxuu masraxa siyaasada la jilayaa hogaamiye aanay aqbaleen maxamed xaaji ibrahim cigaal allaha u naxariistee iyo mudane dahir rayaale kahin oo aynu garan karo sida ay u wajaheen mucaaradkoodii bal xasuuso cigaal iyo saleebaan gaal, ama daahir tuu baday kulmiye waa tusaale lagu cabiri karo hogaamiye talinaya.
  2. Qaabka golaha wasiirada maaha shaxdii siilaanyo ee waa shax kale. Waa dhab inay gacan kale shaandhayso shushubto oo inoo shaanbadayso.
  3. Cabashada beelaha darafyada iyo qaabka loo abaaro mushkilaadkooda oo aanay haba yaraatee ka muuqan aragtidii siilaanyo ee 2010kii iyo wixii ka horeeyay.
  4. Waxa la isku haystaa mudo kordhintiisii weli somaliland kama dhicin madaxwayne difaacan kari waayay mudo xileed guurtidu u samaysay mana uu raacin go’aankii xisbigiisa taasina waxay muujinaysaa inaanay siilaanyo waxba gacanta ugu jirin.
  5. Ma awoodo inuu saxaafada hor fadhiisto sidii lagu yiqiin taasina waxay muujinaysaa awood darro kuma dari karo warqada uu sito hal erey markuu dhameeyona waxaa la dhahaa iska fadhiiso ama isaga oo taagan ayaa la jiidhaa oo gacanta la qabtaa.
  6. Waxaa la socda markasta maalin kasta madal kasta laba dumar ah oo aan socon jirin markuu talin jiray. Macnaheedu ma ahan inan siilaanyo necebahay waxa aan ka hadlayaa waa xaqiiqo ina hortaal.

Qalinkii Madar Nuur.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS