haatuf.net
Qasriga Siilaanyo Looga Dhisayo Magaaladda Berbera Iyo Dhismayaasha Qoyskiisa Uga Socda Hargeysa+Daawo Sawiradda
August 10, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, clinic August 10, sick 2015 (Haatuf) – Waxa maanta cagaf la galiyey dhul ku yaala Berbera oo qasri wayn looga dhisayo Madaxwaynaha mudadii xilka loo doortay dhamaatay ee Axmed Siilaanyo. Gurigan oo kharashka lagu bineynayo amar lagu siiyey hay’adaha dawladda ee Berbera inay bixiyaan ayaa waxa laga dhisayaa meel kaabiga u saaran jidka xooluhu ka galaan dekadda Berbera.

Siday ilo xogogaal ah oo reer  Berbera ahi Haatuf u sheegeen, dhismaha qasrigan ayaa marka la dhamaystiro waxa uu yeelan doonaa barkad lagu dabaasho  (Swimming pool) oo biyaha badda  ay ku soo ridayaa beebab dhulka hoostiisa la marin doono oo badda ku dhacaya.

Dhinaca magaaladda Hargeysa waxa fooqii marxuum Cali Jirde ku lahaan jiray Hargeysa ka socda dhime wayn oo qoyska Madaxtooyadu ugu talo-galeen inuu noqdo hotel, kaas oo masaafad 20 mitir ah gudaha u galay kaamboolka xaruntii la odhan jiray Women’s Club. Mashruuca dhismahan oo la bilaabay horaantii 2014-lii isla markaana wali  dhismihiisu socdo ayaan ilaa hadda la ogayn halka laga bixiyo kharashkiisa.

Waxase sida ay hawshaasi u socoto kolba soo kormeerta marwadda 1-aad ee Aamina Waris. Meel ilaa kontameeyo talaabo u jirta isla markaana kaasoo horjeeda gurigii dawladda ee ku yaala xaafadda Shacabka ee uu Mr Siilaanyo ku jiri-jiray intaanu noqonin Madaxwaynaha ayaa waxa wakhtigan xaadirka ah laga dhisayaa bangalo iyo guri dabaq ah oo wayn, waxaana hawsha dhismaha ee meeshaas ka socda kormeer kusoo sameeya wiilka Siilaanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil.

Gurigan dhismihiisa gacanta lagu hayo ayaa waxa uu dhinaca kale ee koonfurta kaga yaalaa wadada hormarta gurigii hore ee Siilaanyo ee xaafadda shacabka. Dayrka gurigan cusub oo dhererku aanu ka yarayn 100 talaabo ayaa kor loo dheereeyey si aanay dadwaynaha hormarayaa indhaha ugu dhufanin dhismaha baaxadda leh ee meesha ka socda.Displaying DSC01524.JPG

Guriga Siilaanyo ee Shacabka  iyo kan cusub ee la yagleelayo ee kiisa koonfurta kaga beegan, waxay labada hareerood kaga yaalaan wadada ay isticmaalaan dadka degan xaafadda ay jaarka yihiin ee la yihiin State House, taas oo ay ku nool yihiin Displaying DSC01525.JPG11753767_10153136466792153_752580784_n11774636_10153136466647153_454312789_nqoysaska ugu saboolsan magaaladda Hargeysa.

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS