haatuf.net
Xildhibaan Mataan Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay In Warancade Ku Mashquulo Sidii Looga Duubi Lahaa Muuqaal Qurxoon Xili Uu Ka Hadlayey Dhacdo Dhimasho Iyo Dhaawac Sababtay
August 11, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, ailment August 11, 2015 (Haatuf) – Xildhibaan Mataan Muxumed Hoorri, oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana wakhtigan ka tirsan xisbiga Waddani ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay habdhaqanka Wasiirka Daakhiliga Cali Warancade, kaas oo mar uu shalay ka hadlayey dhacdo dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday Hargeysa kaga mashquulay sidii looga duubi lahaa muuqaal qurxoon oo uu kaga wakhti-badan galiyey sidii uu ugaga soo bixi lahaa warbaahinta.

Cali Warancade oo isagu wakhtiga uu shirka jaraa’id qabanayey wariyeyaashii wax ka duubayey faray inay muuqaalka kaga duubaan barxada hore ee wasaaradda arrimaha gudaha isagoo meel doogleh oo bilic leh ku amray shaqaalihiisu inay kursi wayn iyo miisas u dhigaan.

Xildhibaan Mataan Hoore oo ka mid ahaa aas-aasayaashii ururkii SNM ayaa isagu inta badan farta ku fiiqa habdhaqanada xun-xun ee  xukuumadda Siilaanyo, isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ‘Waxa wax laga xumaado oo aad loogo naxo ah dhacdadii ka dhacday xaafada jigjiga yare e magaalada Hargeysa, mana aha markii koowaad ee ay dhacadada noocan oo kale ahi ay dhacdo oo ay dhaliso khasaaro nafeed oo dhimasho iyo dhaawac dad shicib ah sababta, sidaa awgeed, ciidamada amaanku waxay u xil saaran yihiin sugida nabadgelyada dadka iyo dalka Somaliland, wax la aqbalayana maaha in ay mar kasta si badheedh ah rasaas nool ugu furaan dadkii shicibka ahaa ee ay nabadgelyadooda ka masuulka ahaayeen, waxaan leeyahay habdhaqankaa arxan daradda ahi waa mid ceeb ku ah xukumadda,, waxaana haboon in si degdeg ah loo joojiyo in ay mar kale soo noqoto, ciidamada ammaankana waa in la baraa sida ay ula macaamilayaan dadka shacabka ah marka ay xaaladi timaado’’  ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Mataan isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey ‘Waxaan aad uga xumahay in Wasirka daakhilaga Somaliland Cali Maxamed Warancade, oo saaxiibkay ah in isaga oo bixiyay amarka ciidamada boolisku ay ku rasaaseeyeen dadka shicibka ahaa ee dhimashada iyo dhaawaca keenay in hadana warbaahinata ku yidhaahdo meel qurux badan baan fadhiisanayaaye igu sawira, isaga oo marka uu hadalkaa la yaabka leh ku dhwaaqayay qabanay shir jaraa’id oo uu Wasiirku kaga waramayo dhacdadii muruga lahayd ee ay shalay boolisku dadka shicibka ah xabada madaxa kala dhaceen, oo dhalisay dhimashada wiil yar oo 11 jir ah iyo dhaawaca dhowr qof oo kale, runtii waa ayaan daro in Wasiirku uu wakhti badan ku lumiyo in warbaahintu ay meel qurux badan ku sawirto shirkii jaraa’id ee uu Wasiirku ku qabanayaay gudaha dhismaha wasaaradda, waxa kale oo taa ka sii darayd in wariye shirkaa jaraa’id ku weydiiyay Wasiir waran cade su’aal ku saabsanayd xaga nabadgelyada dalka, in uu Wasiir waran cade ku yidhaahdo wariyaha hadaanad ahayn reer Ceerigaabo waan ku xidhi lahaa, hadalkaasina maaha hadal uu ku hadlo masuul sare”.

Wasiir Warancadde, ayaa shalay wakhti ku bixiyay sidii looga duubi lahaa muuqaal qurux badan oo uu ku muujiyo sida wasaaraddiisu u qurux badan tahay, iyadoo bulshadu darreen xun ka muujinaysay dhacdada Hargeysa ka dhacday, waxaanu wasiirku wariye waydiiyay sida wasiirku ugu mashquulsan yahay bilicda wasaaradda iyo muuqaal fiican oo shirkiisa jaraa’id laga duubo xilli uu arrimo geeri iyo dhaawac ah ka hadlayay  ayuu wasiirku ugu hanjabay inuu xidhi lahaa haddaanu ahayn reer Ceerigaabo.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS