haatuf.net
Madaxweyne Siilaanyo Oon Shan Cisho Il Iyo Baal La Saarin
August 11, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa August 11, generic 2015(Haatuf)- Madaxweynaha Somaliland ee mudadi xilka loo doortay dhamaatay Axmed Siilaanyo aya ugu yaraan mudo shan cisho ah aanay jirin cid ka mid ah xukuumadda Somaliland oo il iyo baal saartay.Siday ilo xogogaal ahi ay Haauf u sheegeen socdaalki uu madhaxweynuhu dhawaan ku tagay gobalada bariga Somaliland aya qardo ku keenay xubno ka mid ah jidhkiisa iyadoo  mudadaasi maqnaanshahiisa la tabayey aanu  ka soo bixin qolkiisa hurdada oo ay xata madaxweyne-ku-xigeenka u suurtogaliweyday in uu arko.

Sida la ogsoonyahay markii uu socdaalka ku marayey gobolka Sanaag aya madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku khudbadeeyey inay la socoto wasiirkiisii Waxbarashada ee Samsam Cabdi xili ay hareeraha ka taagnaayeen wasiirki ugu magacawna Waxbarashada ee Faarax Geedaale iyo Samsam lafteeda oo hore u haanjirtay wasiirka Waxbarashada balse hadda haysa xilka wasiirka Maaliyadda.

Markii ay qaar ka mid ah warbaahinta dalku faafiyeen warka halmaamki madaxweynaha ee kaskiisa ahaa ayaa waxay arinti noqotay mid dad badani, thumb gaar ahaan kuwa ku wada xidhiidha Social Media-yaha, ay ka maadsadaan iyadoo qaarkood ku kaftameen in madaxweynaha ay ugu dambaysay Samsam oo wasiirka Waxbarashada ah.Hadal-hayntii arintan oo ku dhaw inay iskeed u joogsato ayaa hadana dib u soo cusboonaatay marki ay wasiir Samsam oo dabajoogta warki iyo faalooyinki laga sameeyey halmaanki madaxweynaha  misana meel fagaare ah kaga khubadaysay in madaxweynihi caafimaad qabo oo aanu asaasiqin taasoo bulshada dib u xusuusisay  ka-hadalka arinti ay Samsam isku dayeysay inay dambabasto.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS