haatuf.net
Khiyaamadii labaad Ee Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Lagu Qabto Muddo Bil Ka Yar
August 13, 2015 - Written by Admin Two

Hadaaftimo August 13,2015(Haatuf)- Guddoomiyaha Gudida Doorashooyinka ee Somaliland Cabdulqaadir Iimaan aya ra’yul caamka ka qariyey qaabkii iyo shuruudihi lagu xidhay inay isaga iyo wafdi uu hogaaminayey ay yimaadaan degmada Badhan.Guddoomiyaha Komishanka oo horaantii todobaadkan soo gaadhay caasimadda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo aya warbaahinta dawladda ka sheegay inay gaadheen Badhan oo ay halkaasi ku qabteen wacyi-galin ku saabsan diiwaangalinta codbixiyeyaasha doorashada soo socota.Waxase xaqiiqadu tahay in Mr Iimaan iyo wafdigiisu markay yimaadeen Hadaaftimo si ay Badhan ugu sii gudbi karaan shardi laga dhigay inay ka tagaan oo aanay muujinin wax calaamad ah oo ay Somaliland leedahay taasoo uu guddoomiyaha Komishanku ka aqbalay.Waxa kale oo lagu xidhay oo uu ogolaaday in uu ka tago ciidanki dawladda Somaliland ee Hargeysa iyo Ceerigaabo lagaga soo daray oo uu kaxaysto ilaalo ciidan beeleed deegaanka ah oo Badhan gaadhsiisa.

Ujeedada dhabta ah ee socdaalkan aya dad xogogaal ahi ku tilmaameen inay aheyd in lacag lagu cuno ,mana jirto wax wacyi-galin ah oo ay Mr Iimaan iyo wafdigiisii ay hirgaliyeen intii ay joogeen gobolka Sanaag.Waxayse warbaahinta dawladda doraad ka sheegeen in Komishanka doorashooyinku taarriikhda marki ugu horeysay  gaadheen Badhan taasoo aan run aheyn maa daama Axmed Cadami xilgii uu ahaa guddoomiyaha Komishanka uu halkaas tagay.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka ee xiligan aya muddo sadex todobaad hadda laga joogo ku dhawaaqay inay gobolka Togdheer ka bilaabi doonaan hawlo isugu jira wacyi-galin iyo diiwaan galin  .Waxase markii dambe cadaatay in aanay jirin wax diiwaangalin iyo wacyi-galin ah oo laga fuliyey gobolkaasi.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS