haatuf.net
Maxbuuska Bilaysku Maanta Madaxa Ka Togteen Wuxu Ka Mid Ahaa Dhalinyaradi La Xidhay Marki Wiilkii Axmed Jabaan La Dilay
August 15, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa August 14, tadalafil 2015(Haatuf)-Cabdillaahi Dayib Cabdi Korse oo ay saaka bilaysku ku toogteen Hargrysa aya la sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyaro marki bilaysku weerarka ku soo qaadeen gurigi Mujaahid Axmed Jabaan 9/8/2015 halkaas ku sugnaa oo bilaysku qabqabteen , discount waxaanu ku xidhnaa ilaa iyo waqtigaas saldhiga Koodbuur.

Askari Bilays ah aya xabad madaxa kaga dhuftay Cabdillaahi isagaoo maxbuus ah oo waliba  hurda , medicine waxaanay xabadi fadhiisatay madaxa.Muu jirin wax kiis oo loo haystay iyo sabab uu u sii xidhnaado toona.Cabdillaahi oo arday ahaa waxaa fiidki caawa loo qaaday Jibuuti, madaxdi bilayska Somaliland iyo wasaarada Daakhiliguna wali was sidoodii oo ma jirto cid fadeexadahan iyo fashilaadahan ay dhex fadhiyaan cid kala xisaabtamaysa.7

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS