haatuf.net
Dad Rayid Ah Oo la Xasuuqay 1988 Oo Si Maamus Leh Dib Loogu Aasayo Biyo-Shiinaha
August 23, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa August 23, buy 2015(Haatuf)-Tuulada Biyo-shiinaha ee Hargeysa ilaa 13 km xaga waqooyiga uga jirta aya maanta waxa ka bilaabmatay hawl dib loogu aasayo lafahii dad rayid ah ooy ciidamadii dawladii Siyaad Barre xasuuqeen sanadkii 1988.

Shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa ee beebka cusub ee biyaha dhigaya inta u dhaxaysa Geed-deeble ilaa caasimadda ayaa hawlihii qodista markay marinayaan Biyo-shiinaha waxay la kulmeen xabaalo wadareedyo ay ku aasanyihiin mayd dad lafahoodii taasoo ay markiiba ku wargaliyeen gudida Xasuuqa.Hadaba waxa galinkii horee maanta si maamuus leh oo shareecadda waafaqsan dib loogu aasay qayb ka mid ah lafihii maydadkii halkaas hore ugu xabaalnaa iyadoo la filayo in qaybta hadhay dib loo aaso barito Isniinta.

Dad lagu qiyaasay boqol kun oo qof ayaa ku naf waayey xasuuqyo ay geysatay dawladdii Somalia ee uu hogaamiyaha ka ahaa diktaatoorki Siyaad Barre oo ka dhacay gobolada Somaliland mudadii u dhaxaysay 1988-1990.Daba yaaqadii May 1988 markii ay ciidamadii SNM ka soo ruqaansadeen fadhiisimihii ay ku lahaayeen xadka u dhaxeeya Eithiopia iyo Somaliland isla markaana soo galeen gudaha dalka gaar ahaan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa ciidamadii dawladii Siyaad Barre waxay bilaabeen inay dilal aargoosi ah oo baahsan  kula kacaan dadka rayidka ah kuwaasoo ay la beegsadeen duqayn cirka iyo dhulka ahba halka qaar kalena iyagoo raab raabo isugu xidh xidhan toogasho lagu dilay.Boqolaal kun oo dad ah oo ka qaxay Hargeysa ayaa intii aanay u talaabin dhinaca xadka Ethiopia bilihii June,July iyo August 1988 ku sii hakaday deegaanada waqooyiga ka xiga magaalada sida Biyo-shiinaha,Gaboobe,Annayo,Maluugta, Iidaan,Gogol-wanaag ,Geed-deeble,Horo-haadlay iyo qaar kale.

Xabaalo-wadareedyadan Biyo-shiinaha aya waxa la aaminsanyahay in dadka ku aasani ka midyihiin shicibkii magaalada Hargeysa uga qaxay dhinaca waqooyiga ee ay dawladdii Siyaad Barre kala daba tagtay diyaaradihii dagaalka iyo madaafiicadii tiirada dheereyd oo ay ku  duqeysay iydoo intii dadkaasi ka badbaaday ay aakhirkii ku dambeeyeen xeryo qaxoonti ah oo laga furay dhinaca xadka Ethiopia.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS