haatuf.net
Xarraarada Berbera Iyo Qayla Dhaanta Qorshaha Marwooyinka Awoodda Ee Dhaxal Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka
August 24, 2015 - Written by Admin Two

Saymaha Qorshaha, unhealthy Samaynta Shirkadaha Cusub, Saluuga Labada Shirkadood, Soomalhaadka Shacabka, Seefta Mooshinka

 

Hargeysa, August 24, 2015 (Haatuf) – Iyadoo koox Xildhibaano ah oo ka tirsan golaha Wakiiladdu ay ka digeen dhaxal wareejinta Haamaha kaydka shidaalka iyo Dekedda Berbera, haddana waxa soo baxaya warar sheegaya in todobaadkan la sameeyay shirkad loogu talagalay in lagu wareejiyo haamaha kaydka shidaalka.

Dhawaan ayay soo duushay in madaxtooyadu doonayso in haamaha lagu wareejiyo shirkad gaar loo leeyahay, isla markaana waxa jiritaanka arrintan sii bayaamiyay qaylo dhaan ka soo yeedhay kooxo xildhibaanadda wakiiladda ka tirsan. Inkastoo ay horeba u jireen shirkado shidaalka ka ganacsada oo la tilmaamo inay baddidooda  saamiyo ku leeyihiin xubno golaha xukuumadda ka tirsani, haddana waxa haatan isa soo taraya tibaaxo iftiiminaya abuuritaanka shirkado cusub oo diiwaangelintooda iyo sharciyayntooda la waday maalmahanba. Siday sheegeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo xog ogaal ah, waxa jira shirkado cusub oo udubkoodu qoyan yahay, kuwaasoo loogu talagalay inay ka qayb galaan shirkadaha lagu wareejinayo haamaha kaydka shidaalka oo isugu jira kuwii hore iyo kuwa cusubba. Xogahaasi waxay intaa ku dareen, in shirkadahan cusub ay leeyihiin qoyska madaxtooyadu, isla markaana shirkado isku darkoodu gaadhayo ilaa 7 shirkadood oo isugu jira kuwii hore iyo kuwan cusub ayaa qorshuhu yahay in lagu wareejiyo 25 sanno.

Xogguhu waxay intaa ku ladheen in qorshahan ay hormood ka yihiin Marwadda Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyaddu, isla markaana tibaaxaha mashruucan cusubi waxay rumaynayaan, in shirkadaha lagu wareejinayo laga doonayo lacag qadimaad ah oo gaadhaysa min hal milyan oo doolar. Hase ahaatee waxay xoggaha qaar sheegeen in ilaa laba shirkadood ay dib uga faagteen ka qaybgalka qorshahaa oo ay u arkeen mid halis ah oo aan loo badheedhi Karin in xoolahooda ku biimeeyaan. Laakiin waxa soo duushay in ilaa hadda ay diyaar u yihiin ka qaybgalka qorshahan 7 shirkadood ay badi leeyihiin ama saamiyo ku leeyihiin qoyska madaxtooyada iyo Wasiiradda ugu awooda badan talada dalku. Xogaha qaar waxay tibaaxeen in shirkadahaa wadar ahaan loogu wareejinayo haamaha, oo iyagu dhexdooda ay samaysan doonnaan maamul u dhexeeya oo qolo walba waxeeda uga masuul noqda. Halka xogahaa qaarna ay ka iftiiminayaan in la doonayo in lagu wareejiyo laba shirkadood oo ah kuwa cusub ee hadda la abuuray, tibaaxda sadexaadna ay tusmaynayso in qorshuhu yahay, in la siiyo shirkad keliya oo ay shuraako ku yihiin haweenka loo tirinayo inay ugu awood badan yihiin taladda qaranka.

Hase yeeshee tibaaxahaa ka sokow ma jiraan warar madax banaan oo ka soo baxay dhinacyadaa oo sugaya xaqiiqadda jiritaanka wararkaa. Dhinaca kale qorshahan cusub ayaa durba rayulcaamka dadweynuhu si wayn uga diday, isla markaana dadka reer Berbera, gobolka Saaxil iyo guud ahaan goboladda kale ayaa laga dareemayaa hadal haynta barnaamijkan cusub oo lagu tilmaamay mid dhooba qaad ah oo halis ku ah jiritaanka adeega guud ee umadda. Xisbiyadda mucaaridka xubno uga hadlay magaaladda Berbera ayaa iyana qayla dhaan wayn oo la mid ah tii xildhibaanada kaga digay isku daygaa oo ay ku tilmaameen dhaxal wareejin.

Dhanka kale siday tibaaxeen xoggo u dhuun dalloola golaha wakiiladdu, waxa socda dhaqdhaqaaq mooshin ay xildhibaanadu ku beegsanayaan joojinta mashruucaa lagu mulkisiinayo dad gaar ah kaydka guud ee qaranka. Source:Ogaale

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS