haatuf.net
Carraale Waddani Iyo Badheedhaha Maanta
August 24, 2015 - Written by Admin Two

Marka hore xamdi Alla iyo naxariis Eebbe. Marka xiga Duqa waxaan leeyahay, pills bilaabidda dhismaha jidka Ceerigaabo dawladdaada loogama horayn, buy giinbaartii Burco laga bedelay taada loogama horayn, viagra Marxuumkii Ina siyaad dabaddii, qoys awoodda ku xoogsada iyo inankii inanta ka qabaa taa iyo taa sameeyay, taada loogama horayn, Somaliland caalamku ka wiswiso, go,doonna geliyo taada loogama horayn, wadahadal soomaaliya lala yeesho taada loogama horrayn, macaamil hoosiyo Xasanow mashruucaa noo saxeex taada loogama horayn, haddana beenin iyo waxba kama jiraan taada loogama horayn, reer Awdal duurka gala oo qori u qaata Somaliland taada loogama horayn, Arliyo turub ka faalinaysa xarunta dhexdeeda,marna maddadaalo ka dayaysa iyo bilis awood baawaysta oo wada dhigaya hadhiin iyo karaawil taada loogama horayn, qabyaalad la soo toosiyo iyo khalad aan garawshiinyo lahayn taada loogama horrayn, warqad Wabar saxeexay oo derridiisu jeexjeexdana taada loogama horayn, saxaafaddoo la duleeyo, badhna jeelka la geeyo, badhna laga qufulo iyo dadkoo xuquuqdooda la laalo taada loogama horayn, Wabar hawlgab ah, Derri Talisa iyo toobin dhiig nuug ah taada loogama horrayn, wasiiro tiraddoodu kaa gedmato taada waa u kow, xukuumad shirkado ah somaliland taada loogama horayn, dhulka danta guud iyo daaraha dawladda aan xaraasho iyo guddi baan u saaray ciddii boobtay taada waa u kow, mid kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego….waa inoo mar kale…     Ogaal: Murtidii Caraale Waddani

Waddani

Marka hore xamdi alla iyo naxariis eebbe. Marka xigga xaaji Axmed waxaan leeyay;, Ciidanku wuu dhisnaaye, derajo siin dawladdaada loogama horrayn, dable janan noqday dawladdaada loogama horayn, boolisku ishuu maanta leeyahay taada loogama horayn,  askari taliyihiisii dilaya dawladaada loogama horayn, sarkaal gunnadii askartiisa cunna taada loogama horayn, wixii dhacaba guddi baan u saaray iyo xaaja aan dhamaan dawladdaada loogama horayn, bilis talidii maroorsatay dawladdaada loogama horayn, wasiir akhrisku ku adag yahay oo higaadiyay warqaduu akhriyayay dawladdaada loogama horayn, daaro la dhiso iyo nidaam la dunsho taada loogama horayn, waxaad cid la gashay ka noqo, dawladdaada loogama horayn, muddo korodhsi aan sabab lahayn dawladdaada loogama horayn, cantuugo maatada qadisay dawladdaada loogama horayn, xukuumad kala socota taada loogama horayn, musuq faannaya taada loogama horayn, geeddigii hore u socday dib haw guuro taada loogama horayn, jidad la dhiso taada loogama horayn, xisbul xaakim khilaaf la nool taada loogama horayn, deked iyo haamo, dhul iyo daaro wixii danta guud ah sidaa laga yeelay, taada loogama horayn, qurba joog ka fuur yeel iyo dhiirigelinta tahriibtana taada loogama horayn, wiil yar oo anafooda, oo intuu awood helay, hantidii dadka booba, sidduu doonnana yeela taada loogama horayn, wasiir ka baqaaya wasiir la middana, taada loogama horayn, misana faanka duleediyo, waa markii u horaysay taada loogama horayn. Intaa iyo in kaloo ka sii badan taada loogama horayn. wabilaahi tawfiiq, waa inoo mar kale iyo sii wadista meertada.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS