haatuf.net
Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Aagbadashay Hotel-kii Rays Ee Uu Ku Dagi Jiray Xiliyada Uu Safarada Boorama Ku Tago
August 26, 2015 - Written by Admin Two

Boorama, abortion August 26, vialis 40mg 2015(Haatuf)-Madaxweynaha Somaliland ee mudadii la doortay dhamaatay  Axmed Siilaanyo oo caawa ku sugan  magaalada Boorama kadib marki uu galinki hore ee maanta ka qaybgalay xaflad sanadeedkii qalinjabinta ardayda jaamacadda Camuud ayaa doorkan waxa la dajiyey Hotel Haldoor iyadoo safaradii hore ee uu Boorama ku tagi jiray ay caado u aheyd inuu ku dago Hotel Rays oo hudheelada la seexdo ee Boorama safka xagga ugu horaysa kaga jira.

Wali ma kala cadda in hotel badalashadani ay ku lug leedahay arimo xagga amaanka ah iyo in kale iyadoo ninka leh Hotel Rays ay is-xigaan suldaanka falaagoobay ee Wabar halka mulkiilaha Hotel Halbeeg ay isku haybyihiin madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS