haatuf.net
Ciidamada Kilinka Oo Meel U Dhaxaysa Kaam Barwaaqo Iyo Baligubadle Ku Weeraray 2 Gaadhi Oo Adhi Siday
August 31, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa August 30, unhealthy 2015(Haatuf)-Laba dumar ah ayaa ku dhintay weerar ay xalay fiidkii ciidamada Kilinka 5-aad ee Itoobiya ku qaadeen 2 gaadhi oo adhi siday meel u dhaxaysa tuulada Kaam Barwaaqo iyo Baligubadle oo ku yaala xadka u dhaxeeya Somaliland iyo dalka Itoobiya.Weerarkan oo ay dad kalena ku dhaawacmeen aya waxay ciidamadii soo qaaday kaxaysteen mid ka mid ah labadii gaadhi.Ciidamada Kilinka aya xiligan oo  bishii Carafa  soo dhawaatay xadka ka ugaadhsada gaadiidka xoolaha sida ee dhinaca Somaliland u soo talaabaya.Gancasiga u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya ayaan aheyn mid isu miisaaman iyadoo ay Somaliland ku dhacantahay(defecit) kafaduna raacayso dhinaca Itoobiya oo iyadu joogta macaash sadbursiimo ah(surplus) oo lagu qiyaaso dhawr boqol oo milyan oo doolar sanadkiiba taasoo aanay xukuumadaha Somaliland marnaba isku dayin inay dib u saxaan.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS