haatuf.net
“MADAXWEYNE SIILAANYO HOGAAMINTIISA WAXA TUSAALE U AH XISBIG KULMIYE EE KHILAAFKA ULA NOOL SIDA MACAANKA QOFKA QABAA ULA NOOLYAY”
November 4, 2014 - Written by haatuf

siiranyooXukuumadda Somaliland ayaa la sheegayaa inay ku mashquulsan tahay olole ay ku doonayso, sale in lagaga jawaabo eedaha mucaaridku u jeediyeen maalmihii u danbeeyay ee la xidhiidha khilaafkii xeerka diiwaan gelinta iyo dhacdooyinkii ka dambeeyay ee ka dhacay Gabilay. Sidaana waxa tibaaxay xogo uu wargayska Ogaal ka soo xigtay illo wargaleen ah oo ku dhawdhaw madaxtooyada.

Sabtidii todobaadkan waxa hadlay koox wasiiro, cialis professional masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan iyo xildhibaano darafa dawlo ah isugu jira, doctor | isla markaana xubnahaas oo difaacayay xukuumadda waxay warbaahinta dawladu ku sheegtay guddiga fulinta kulmiye, balse xubnahaa kumay jirin, Gudoomiyaha xisbiga iyo ku xigeenka koowaad ee xisbiga, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin. Sidoo kale kumay jirin Xoghayaha guud iyo Gudoomiyaha Golaha dhexe, balse waxa ku jiray gudoomiye ku xigeenka 3aad Mr Talyanle. Warbaahinta qaarkeedna waxay tilmaamayeen maalmihii u dambeeyay aamuska Muuse Biixi ee xaalada soo wajahday xukuumadda. Badi xubnahaa iyo dhinacyo kale oo qaarba meel ka hadleen, difaacoodu wuxuu u muuqday mid aan ka taganayn, amaanta madaxweynaha, waxaa iyo waxaa ayaa la qabtay iyo weerar af ahaan iyo milga ahaanba loo arkayay in aanay ku fiicnayn masuuliyada, isla markaana aan u dhadhamayn wax soo kordhin kara taageero iyo tiqo. Sidaa darteed, xoguhu waxay tibaaxeen, in hadana la filayo in maanta ay hadlaan hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye, gaar ahaan Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo la sheegay in ay madaxtooyadu ka dalbatay in aanay ka aamusin arrinta ee ay ka hadlaan.


Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya amuurahaas, balse illaha uu wargeyska Ogaal soo xigtay waxay u badinayaan, in hogaanka Kulmiye uu maanta ka hadlo xaalada difaacana xukuumadda. Khilaafka xisbiga Kulmiye oo u muuqda mid aan dawo dhab ah weli helin, ayaa loo aanaynayaa kala daadsanaan iyo kala baahsanaan ragaadisay wada shaqayn run ah oo niyad ahaan ay iskula jaan qaadaan xukuumadda iyo hogaanka xisbigu. “ Madaxweyne Siilaanyo hogaamintiisa maanta waxa tusaale u ah xisbiga Kulmiye ee khilaafka ula nool, sida cudurka Macaanka qofka qabaa ula noolaado”, sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan xisbiga oo qawadsan hanaanka maamul ee xukuumadda. Sarkaalkaasi wuxuu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Awrta marka laysku dirayo waxa la yidhaahdaa Hirrigoo, markaa intay madaxtooyadu Muuse Biixi, Maxamed Biixi iyo Samaale siyaasadaa kula dhaqmayso, ee aan Muuse sedkiisu u caddaan difaaca uu xukuumada difaacaa waa beer dhigaalayn aan niyad ahayn oo dulucdiisu tahay, wanaagna haka tegin, sharna u toog hay”.

Dhinaca kale, Golaha Guurtida oo la saadaalinayay is fahamka labada gudoomiye kadib in loo yeedhayo, si ay u ansixiyaan xeerka diiwaan gelinta, ayaa xoguhu tibaaxeen in xukuumada iyo xildhibaanadeedu ay dalbadeen in aanay ku qanacsanayn talaabadaa, balse ma kala cada in gudoomiye Saleebaan ka aqbalay iyo in kale. Dhinaca daneeyayaasha Somaliland taageerana waxa lagu wadaa, in wefti culus oo ka socdaa oo soo gaadho dalka afarta bishan, isla markaana waxa jira walaac wayn oo ay ka qabaan isbedbedelka xukuumada ee la xidhiidha axdiyada ay la gashay. Waxay xoguhu intaa ku dareen, in qaadhaan bixiyayaashu ay eegi doonaan is maandhaafka jira, hase yeeshee ay culays ku saari doonaan dawlada sidii doorashadu u dhici lahayd. Xoguhu waxay intaa raaciyeen, in xukuumadu ka cabsi qabto banaanbaxyo ka turjumaya saluuga oo lala hor tago weftigaa, isla markaana waxa la sheegay in arrintaas iyo qodobo kaleba ay xubno wasiirada ka tirsani iskula soo qaadeen kulan xalay ka dhacay madaxtooyada.

Cadceed.net

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS