haatuf.net
Yaa Afduubka Ka Badbaadinaya Rakaabka Iyo Diyaaradda? Muuse Faarax Ibraahim
September 3, 2015 - Written by Admin Two

Hoognay!, viagra cheap naa badhin khaldan baad malaha taabataye, vcialis 40mg kaa kale ku eeg . Alla ba, capsule nay naa way ka sii dartay. Naa waxba ka garan maynee bal eeg in kabtanku soo yara miiraabay. Naa, haba sheegin wuu hurdaa, weliba wuu khuurinayaa. Sawkaa hadlaya maaha, jabnay! naa wuu hadrayaa.  Dee irbad khaldan baad malaha ku muday. Maya, wallaahi saxdii baan ku muday. Haddaa maxaa dhacay inuu intaa indhaha isku hayo may dhici jirinne. Dee mooyi. Bal hadaba Mooye waydii, ha inoo tilmaamee. Naa, kaa annaa ku dhaamee iska daa!. Dee haddaa Kudkude waydii. Ba,a hagrashaa inoo dhaxaysee, sawkan inala wada ee shookaanta dhiniciisa haysta. Ba,a sawkan dhankeena u soo qaloociyay. Naa!, goray khaakhle u yeedh ha inala qabtee, aan dhankiisa u janjeedhinee.  Maya, huuno inaga daa, aamin malahee. Haddaba kaagii yaraa ee Fadhaanfadh, anna aan kaayagii Gafane u yeedhee, waaryaadhaheen bal kaalaya xaajo dhabaqdaye. Maxaynu uga  uga yeedhaynaa iyagaba maantaa ugu horaysa shidh diyaaradeed oo ay arkaane. Naa!, Kudkude keligii maahee, Goray u yeedh, Leexaan u yeedh, Dhosog u yeedh, Maqajile u yeedh, kaa u yeedh….gurmad waa laysugu tegay.

Way la silcayaan. Marba meel bay taabanayaan, haddana weli diyaaradda mishiinaddeedu waa guuxayaan. 40 kun oo fiit bay dhulka ka kacsantay. Waa Boing 747, rakaab iyo rarba way buuxdaa. Intay meel khaldan taabteen ayay xagga kale isu rogtay. Sidaasay ku socotaa, rakaabku maqluubkuu u wada fadhiyaa. Qaar badan oo aan suunku u xidhnayni waa ka shubeen, marba meel siday madaxa ugu dhufanayeen, wax dhintay iyo wax weli khiikhle weeye. Rakaabka kalena maskax goror baa ku dhacay oo madaxaa hooseeya.  Laakiin habluhu ma rumaysna in diyaarada boggii hooseeyay sareeyo. Xitaa indhahoodu ma arkaan rakaabkan madaxu hooseeyo. Waxay leeyihiin sidanaaba ka fiican sidii hore . Laftoodu isma oga si ay yihiin. Si kale ayay wax u arkaan, waxay isu haystaan dar dadaalaya, oo wadista diyaaradda cid kasta kaga fiican. Misana  agtooda tallo fiicani ma taalo.

Halgan dheer kadib  Wabar Dheere waxa loo xidhay shaadhka Kabtanka, waxaana la siiyay ruqsadii bayloodka ee uu ku duulin lahaa diyaaradda. Wuxuu  ku fadhiistay kursigii, suunkii buu xidhay, selefkuu ku dhuftay,  Cabaar markay guuxaysay ee uu hubiyay in albaabadii loo xidhay ayuu taayirka u rogay, markay dhabihii orodka qabsatay, halkuu geerka ka bedeli lahaa ee  xawaaraha ka kordhin lahaa wuu hilmaamay. Iyadoo luudaysa uun bay garoonkii ku dul warwareegtaa. “Waar diyaaradda maxaa ka siya?, waar maxaa kugu dhacay?, maxaad la kici la,dahay?.” Qoladdii hagida iyo koontaroolka duulimaadka Madaarku intaa way la hadlayaan, misana jawaab waafiya ma siiyo. Aakhirkii wuxuu xusuustay waxa dhiman, geerkii cuslaa buu ku tuuray, cagtana wuu ka dhaqaajiyay, “imikaan duulayaaye, diyaaradaha kale iga weeciya” intuu ku yidhi qoladdii taawarka hagista ayuu lugaha dhulka uga qaaday. Wabar Dheere diyaaradii kici, balse markuu hawada sare geeyay ee waddadii ku hagaajiyay ayaa lagu soo noqday. Intuu Kudkude shookaanta sii xeji ku yidhi ayuu iska seexday.

Muuse Jaambiir

La soco cadadka dambe….

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS