haatuf.net
Ururka SONYO Maaha Urur Ka Dhexeeya Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Yaan Laysku Khaldin! Waa Qalinkii Qoraa C/Raxmaan Nuur Cilmi
September 3, 2015 - Written by Admin Two

Ururka Sonyo Dad badan oo Aan Aqoon Badan u la hayni waxa ay ka Aamin Sanyihiin Urur Dhalinyarada reer Somaliland  U dhex ah Oo ay  Manaafacaadkiisa si isleeg u Qaybsadaan laakiin Xaqiiqada dhabta ahi sidaa way ka duwantahay.Sonyo Maaha Urur ka hadla baahiya iyo dhibaatooyinka haysta dhalinyarada  haday tahay mid Siyaasaseed Ama mid ganacsi.Ururka Sonyo Maaha Urur ay ku Midoobeen Dhamaan Dhalinyarada reer Somaliland waa Urur ay leeyihiin Dhalinyaro Gaari  oo ay Hawlahooda Siyaasadeed iyo ku Wooda Ganacsi ay ku Fushadaan . Sonyo Maaha Urur ka Shaqeeya Danaha iyo Horumarinta Dhalinyarada Reer Soomaliland laakiin Waa Urur ka Shaqeeya isku dirka, sale Qabyaalada iyo kala qaybsanaanta dhalinyarada Reer Somaliland Waa Urur ku Shaqeeya Qabyaalad, buy Siyaasado qarsoon iyo Midab kala Sooc. in badan oo idinka mid ahi way ka war hayaan waxa ka dhexdhaca Sonyo marka loo dareero doorasho xor iyo Xalaala Ama Marka Lays kugu yimaado in la qaybsado Manaafacaadka danta Guuda ee dhalinyarada ka dhexeeya. Ururka Sonyo maaha Urur ay Dhalinyarada Reer Somaliland  ku heshiisay oo ku dhisan sifo sharciya oo ay dhalinyarada reer Somaliland isku raacsan yihiin.  Waxaan odhan karaa waa urur baadil ah oo lagaga Beensheegto dhalinyarada reer somaliland, Ururka Sonyo maaha Urur ka jira Ama ka shaqeeya Lixda Gobol Ee JSL Ee Waa Urur ka Shaqeeya Galbeedka  Magaalada Hargaysa Xaafad ka mid ah Sonyo waxa ay leedahay budget u gaar ah sida wasaaradaha dawlada oo kale bal hadaba waa su’aale sonyo maxaa ay ugu qabataa Dhalinyarada budjetkaa loo gooyay? Jawaabta waxaan u daynayaa dhalinyarada reer Somaliland ee magacooda lagu ma xaafsado. Mida kale waxaa jirta mashruucyo ay soo bixiyaan dadka qurbo joogta ah ee reer Somaliland  mashruucyadaa oo aan la aqoonin meel ay maraan Ama la siiyo cid gaar ah oo calaamadsan Sanad kasta . Waxaan u Sheegayaa Qurba joogta Reer Somaliland in Aad ka fiirsataan Ururka Sonyo sida uu wax idiinku sheegay.

Waa  Qalinkii  Qoraa C/raxmaan Nuur Cilmi

Email:Obama4444@hotmail.com.pppi

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS