haatuf.net
Liiskii Shirkadahii Lagu Wareejinayey Haamaha Oo Noqday Mid Daba Furan Oo Kolba Laga Daba Keenayo Mid Cusub Oo Beel Lagu Raaligalinayo
September 3, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, sale September 3, hospital 2015(HAATUF)-Liiskii todobadii shirkadood ee hore loo sheegay in lagu wareejin doono Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera aya waxa laga daba keenay 6 shirkadadood oo todobaadkan la sameeyey kuwaasoo ay 2 ka mid ah ay leeyihiin niman ay is-xigaan madaxweyne-ku-xigeenka Saylici halka 4 kalena loo qoondeeyey beelo markii ay liiska iska waayeen u cawday beesha madaxweyne Siilaanyo .

Siday ilo ku dhaw dhaw mashruucani Haatuf u sheegeen, shirkadahan kolba liiskii hore laga daba keenayo ayaa waxay shaki iyo walaac galiyeen sadexdii shirkadood ee iyagu awalba shidaalka dalka keeni jiray kuwaasoo shirkadahan cusub u arka qaar kula shuraakoobaya lacagtii ay shubeen ee ay ku maalgashadeen mashruucan. Heshiiska lala galay todabadii shirkadood ee liiska hore ugu jiray ayaa waxa uu shardi kaga dhigayey inay bixiyaan lacag marka la isu geeyo gaadhaysay 13 milyan oo doolar .

Qorshahan ay xukuumaddu ku doonayso inay Haamaha ku wareejiso shirkado gaar ah ayaa waxa ka dambeeyey oo hindisaheeda lahaa wiilka uu Siilaanyo sodoga u yahay ee Baashe Cawil, kaasoo la  filayo inuu shirkadahan uu isu keenay ka qaato hal milyan oo doolar oo xaqul qalin ah marka si rasmi ah wareejinta loo k ala saxeexdo.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS