haatuf.net
Bilawga La Dagaallanka Musuq-maasuqa Nigeria: Madaxweynaha & Ku-Xigeenka Dalkaas Oo Soo Bandhigay Hantidooda Gaarka Ah
September 5, 2015 - Written by Admin Two

Maxay Ka Barankaraan Madaxda Somaliland Ee Hanti Urursiga Ku Mashquulsani Dhigooda Nigeria?

 

Abuja, generic September 5, there 2015 (W.wararka):- Madaxweynaha dalka Nigeria Mohammadu Buhari, ayaa u gudbiyay Hay’adda Xisaabi Xilmaleh Hantida uu Madaxweynuhu gaarka u leeyahay, tanina waxay qeyb ka tahay dedaal lagu dardar-gelinayo la-dagaallanka musuqmaasuqa, waxa sidoo kale la sheegay Hantida Madaxweyne Ku-xigeenka dalkaas, iyagoo labadaa masuul xilka loo dhaariyey 29-ka bishii May ee sannadkan 2015-ka.MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DALKA NIGERIA OO HANTIDOODA BANDHIGAY

Afhayeenka Madaxweynaha Garba Shehu, ayaa sheegay in lacagta madaxweynaha ugu jirta akoownkiisa gaarka ah ay tahay boqol iyo konton kun oo Doollar ($150,000 (£100,000). Waxa uu sheegay in qadarkan lacageed muujinayso sida Mudane Buhari oo ahaa Taliyihii hore ee Millitariga iyo Wasiirkii Badroolka Nigeria ugu noolaa xaalad adag oo dhaqaale yaraan ah.

Hantida Madaxweynaha Nigeria:-

5 Guri iyo laba dargadood, sidoo kale beero;

Dhul Beereed iyo Beer weyn oo 270 Lo’ ahi joogto;

25 Adhi (Ido) ah, 5 Faras iyo Shimbiro noocyo kala duwan ka kooban;

Saamiyada saddex Shirkaddood (Shirkaddo uu saami ku leeyahay);

Laba Gaadhi oo uu dhigaalkiisa (Kayd) ka iibsaday iyo laba meelood oo uu Dhul ku leeyahay.

Sida shaxdan Hantiyeen ee Xisaabi-xil maleh loo gudbiyey muujinayso Madaxweyne Mahamadu Buhari, waxaa ka hanti badan Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Yemi Osinbajo, kaasoo Looyar iyo Baaddari ka ah Kiniisad kuwa Nigeria ugu weyn ka mid ah. Waxa uu Afhayeenku sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenku haysto in ku dhaw hal Milyan iyo badh Doollar ($1.4m (£900,000).

“Dukumiintiga Madaxweynuhu ku caddeeyay hantida uu leeyahay waxaa si rasmi ah loogu gudbiyay guddiga ilaalinta hantida Qaranka, tanina waa qayb ka mid ah ballanqaadyadii uu sameeyay markii xilka loo dhaariyay 29-kii May, 2015. Sidoo kale Buhari wuxuu leeyahay hal xisaab-bangi oo keliya,” ayuu yiri, Shehu. Garba Shehu waxa uu intaas ku daray in qorshahan uu yahay mid lagu hubinayo hantida ay haystaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka Nirgeria si ay Shacabku Wax uga ogaadaan Hantidooda.

Madaxweynaha dalka Nigeria Mohamadu Buhari, ayaa lagu doortay Barnaamij lagula dagaallamayo musuqmaasuqa dalkiisa. Weriyeyaasha ayaa waxay sheegayaan in qaar badan oo ka mid ah dadka Nigeriya ay rejeynayaan in Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha kale ee xaday Hantida dawladda dhawaan Maxkamado la horkeeni doono, maaddaama oo musuqmaasuqa lala dagaallamayo, isla markaana Madaxweynaha dalka laga bilaaba tallaabada koobaad ee la-dagaallanka musuqmaasuqa Nigera oo lagu tiriyo meelaha dunida ugu musuqmaasuqa iyo wax is-daba-marinta badan.

Muhammadu Buhari waa nin Muslim ah, isla markaana waa Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Xisbi Mucaarad ah ka sharraxnaa ee ku guulaystay doorashadii Madaxnimada Nigeria, waxaanu ololaha ku galay inuu soo bandhigi doono Hantidiisa, isla markaana Siyaasiyiintu ummadda u bandhigi doonaan dhaqaalaha ay haystaan, si loola dagaallamo musuqmaasuqa Siyaasiyiintu samayaan iyo la-dagaallanka Kooxda Boko Xaaraam ee dagaalka kula jirta dawladda Nigera,isla markaana maamulo qaybo badan oo dhulka Saliidda leh ee Nigera ka tirsan, kuwaasoo uu iyagana dagaal iyo wadahadal lagu kala furfurayaba la bilaabay.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS