haatuf.net
Dawladda Somalia Oo Shalay Saxeexday Heshiis Ay Shirkad Maraykan Ahi Shidaal Kaga Sahaminayso Dhul-Badeed Ay Badda Somaliland Ku Jirto
September 6, 2015 - Written by Admin Two

Shirkadda SPECTRUM ASA Waxay Dhul-badeed Baaxaddiisu Dhan tahay 28, anabolics 000KM Ku Samaynaysaa Sahan Loo Yaqaan (2D seismic survey)

 

 

Muqdisho, prescription September 5, 2015 (Haatuf/HOL) – Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa shalay qalinka ku duugtay heshiis la xidhiidha sahamin iyo shidaal qodis oo ay shirkad maraykan laga leeyahay ka bilaabi doonto dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto. Heshiiskan oo maamulka Xamar ayaa heshiiskan la saxeexday shirkadda loo yaqaano Spectrum ASA, kaas oo ay dowladdu sheegtay inay qayb ka tahay qorshayaasha lagu soo saarayo Shidaalka Somalia.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Somalia oo saxeexday hesiiskan ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay baahiso in dowladda Somalia ay la gashay heshiis sahmin (Multi-client seismic survey) Shirkadda Spectrum ASA. Heshiiskaasoo lagu sahminayo dhul-badeed baaxaddiisu dhan tahay 28,000 km oo lagu Sameynayo sahanka noociisu yahay 2D (2D seismic survey).

Sahanka intiisa badan Waxaa laga Fulinayaa Dhul-badeed Taasoo Baloogyada (Blocks) ay Dowladdii dhexe ee Somalia hore ugula heshiisay shirkada SHELL si looga abuuro xog joolijiyadeed oo casri ah loona isticmaalay farsamada ugu casrisan ee maanta ka jirta caalamka. Sahanka cusub wuxuu dhameystirayaa xogtii laga uruuriyey 2014, dhulbadeed baaxadiisu dhan tahay 20,000-km. Sahankan oo saamaynaya dhul badeedka dalkan JSL ayaa Soomaaliya ku dooday in uu suuro gelinayo xog ogaal u noqoshada baaxadda shidaal ee ku hoos jira biyaha dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray iyada oo laga cabir qaadanayo wadammada shidaalka laga helay ee geeska Afrika.

Heshiiskan ayaa maamulka Xamar ku andacooday in uu dawladooda u suurto gelianyo xaqiijinta gacan ku hayanta xogta Joolijiyadeed ee dhulkan kaasoo qeexaya in la ogaado awooda shidaal ee ku hoos jira biyaha.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia; Cumar C/rashiid ayaa Xidhitaanka Xafladdii Heshiiskan lagu saxeexay hadal ka jeediyey waxaanu yidhi “marka War helo ayaa talo helaa. Sahmintani Waa mid noo Ogolaanaysa in aan gaadhno go’aan fiican, degsanana qorshe fiican.”

Shirkadda Spectrum ASA waxay si caalami ah u Suuq-geyn doontaa Xogta laga Ururiyo sahminta joolijiyadeed si ay shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka ugu soo jeeestaan horumarinta iyo soo saarista Shidaalka Somalia. Dhinaca kale Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya iyadoo bishii la soo dhaafay ay fadeexad la xidhiidha laaluush   kusoo baxday shirkadda Soma Oil & Gas oo laga leeyahay dalka Britain, taasoo hore heshiis noocan oo kale ah ula gashay Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale dawladda Somaliland oo sanadkii 1991-kii gooni uga istaagtay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin sheegashada maamulka Soomaaliya ee ku wajahan biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, kaaso o saamayn taban ku yeelan kara xasiloonida iyo degennaanshaha mandaqada.Source:Hubaal.

                                               

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS