haatuf.net
Dawladda Ethiopia Oo 75 Tahriibe Oo Reer Somaliland Ah Keentay Tog-Wajaale
September 6, 2015 - Written by Admin Two

Wajaale, generic September 6, 2015 (Haatuf) – Dawladda Ethiopia ayaa galinkii hore ee Sabtidii  shalay magaalada Wajaale soo gaadhsiisay 75 tahriibe oo reer Somaliland ah. Dadkaasi oo u badnaa dhalinyaro waxay iskugu jireen wiilal iyo gabdho lagu soo qabtay xuduudka u dhexeeya Ethiopia iyo Sudan,kadib markii ay Somaliland ka socdaaleen.

Guddoomiyaha Togwajaale Eng. Aadan-shiine, Axmed Nuur Caqli, taliye xigeenka laanta socdaalka wajaale iyo madaxda kale ee degmada Wajaale ayaa dawladda Itoobiya kala wareegay dadkaasi reer Somaliland ee la qabtay iyagoo beegsanaya waddamada Yurub.

Masuuliyiintan ayaa saxaafadda u sheegay inay qof walba ku wareejin doonaan waalidkiisa, waxaanay ku waaniyeen inay dalkooda aamminaan maadaama intii ay jidka ku jireen waayo aragnimo u korodhay. Waxay sidoo kale dhalinta dalka ugu baaqeen inaanay isku dayin marista jidkaasi nafahooda halaagaya.

Dhalinyarada tahriibaysay oo qaarkood la hadleen saxaafadda ayaa sheegay inay dhib badan arkeen intii ay ku guda jireen socdaalkooda dalkaEthiopia, islamarkaana la kulmeen gumaysi iyo xorriyadda oo laga qaaday. Waxay sheegeen inay xabsiyo badan galeen, haatana ay waayo aragnimo u korodhay.

Waxay sheegeen in dadka beeralayda ah, shacabka iyo askartuba yihiin kuwo soo qabanaya dadka tahriibka ah ee sii dhex maraya dalka Itoobiya. Waxay sheegeen in nafahoodu halis ku galeen muddadaasi kooban ee ay itoobiya ku socdaalayeen.

Waxay intaasi ku dareen in dhibaato taalo “Anigu waxaan tahriibeyaasha ugu digayaa inaanay meeshaas nololi kaga horayn. Dhibaato ayaa taala, gaajo ayaa taala, gumaysi ayaa yaala, 24-ka saac xorriyadda ayaa lagaa qaadayaa, xorriyadna waxaa noogu horaysay subaxaas saaka ah” ayay tidhi mid ka mid ah hablaha la keenay Wajaale.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS