haatuf.net
Guddoomiyaha Wakiilada Oo Qaraarkii Haamaha Isna Dib Ugu Celiyey Madaxweynaha Kadib Markii Uu La Tashaday Aqlabiyaddii Golaha Ee Ansixisay
September 6, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa,September 6,2015 (Haatuf)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro aya galinkii dambee maanta Madaxweyne Siilaanyo dib ugu celiyey Qaraarkii ay Wakiiladu gaadheen todobaadkii hore ee ay ku horjoogsadeen qorshe ay xukuumaddu ku doonaysay inay Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera ku wareejiso shirkado gaar loo leeyahay taasoo aan u qudhquudhsamin madaxweynaha oo uu kaga jawaabay qaraarkii oo uu dib ugu soo celiyo golaha Wakiilada.

Hadaba guddoomiye Cirro qoraal uu raaciyey Qaraarka uu madaxweynaha dib ugu celiyey ayaa waxa uu ku sheegay in madaxweynuhu aanu sharciyan xaq u laheyn inuu gola Wakiilada ku soo celiyo qaraar(resolution) ka soo baxay oo ay aqlibiyad ku gaadheen.Siday ilo arrimahan u dhuun daloolaa ay Haatuf  u sheegeen,Mr Cirro aya gaadhay go’aankan in uu qaraarkii Haamaha dib ugu celiyo madaxweynaha ka dib markii uu la tashaday xubnihii aqlibiyaddii golaha ee u codaysay kuwaasoo uu ka leexday xildhibaan Xasan Cawaale oo qudha.

Qaraarada caanka ah ee ay Wakiiladu hore u gaadheen waxa ka mid ah kii ay xiligii madaxweyne Cigaal ku mamnuuceen in dawaladda iyo muwaadiniinta reer Somaliland ka qaybgalaan shirarka Soomaali-weyn iyo dawladaha Somalia loo dhiso isla markaana wax wada-hadal ahi aanu iyaga iyo Somaliland dhex marin iyadoo ay Wakiiladu wax ka badaleen qaraarkaasi  markii uu Siilaanyo talada dalka qabtay ee uu wakiilada ka dalbaday inay qaraarkaasi hore wax-ka-badal ku sameeyaan si ay xukuumaddiisa ugu suurtowdo inay wadahadalo la gasho dawladda Somalia.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS