haatuf.net
Shaqaalihii Oo Maareeyihii Haamaha Xalay Gurigiisii Ugu Dhacay Saakana Bilaabay Inay Lacagtay Qabtaan Ka Goostaan 6 Biloodoo Ay Overtime U Leeyihiin
September 6, 2015 - Written by Admin Two

Berbera, ampoule September 6, adiposity 2015(Haatuf)-Sodomeeyo ka mid ah shaqaalaha Haamaha keydka shidaalka ee Berbera oo xalay isku dayey inay la kulmaan maareeyahooda Sheekh Saleebaan si ay wax uga weydiiyaan lacag over-time ay shaqeeyeen lixdii bilood ee u dambeysay ah oon la siinin aya markii uu albaabki gurigiisa ka furi waayey ay 5 ka mid ah shaqaalihi u dhaceen taasoo keentay in isaga iyo shaqaalihii halkaas isugu yimid ay  kulmaan .Maareeyaha Haamaha ayaa shaqaalaha ka codsaday inay ka warsugaan inta uu waagu baryaayo taasoo ay ka aqbaleen

Hadaba markii uu Mr Saleebaan saaka la kulmay shaqaalaha isagoo wata ku-xigeenkiisii aya waxa uu tabashooyinkii ay shaqaaluhu ula taageen ka bixiyey jawaab aanay ku qancin taasoo keentay inay bilaabaan lacagtii overtime-ka ee ay sheeganayeen inay ka goostaan lacagta ay maalin kasta qabtaan ee ay macaamiishu bixiyaan.

Siday ilo xogogaal ahi ay Haatuf  u sheegeen, tan iyo intii uu soo shaacbaxay qorshaha ay xukuumaddu ku doonayso inay Haamaha ku wareejiso shirkado gaar ah aya waxa arintaasi shaqaalaha dhexdooda ka abuurtay guux badan iyagoo ka warwersan mustaqbalka dambe ee shaqooyinkoodii iyo waliba halka loo foodsaaraynayo xuquuqdii ay Haamaha ku laahaayeen ,waxana ay shaqaaluhu dhawrki maalmood ee ina dhaafay qalqaalinayeen shaqada oo ay joojiyaan ilaa inta la xaqmarinayo.Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasin iyo ku xigeenkiisa oo  shalay shaqaalaha ladqabo ula tagay aya isla shalayba Hrgeysa ku soo noqday iyagoo faro madhan ka sida.

Dhinaca kale waxa magaaladii Berbera dhex meehanaabaya ilaa kontameeyo qof oo qasriga madaxtooyada looga soo qoray lacago ay Haamaha ka qaataan .

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS