haatuf.net
“Caqabadaha Ay Ka Socon La’yihiin Sool Iyo Sanaag Waa Masuuliyiinta Dawladda Ee U Dhashay Gobolladaas”Ramaax
November 12, 2014 - Written by Admin Two

Ramaax Oo Sheegay Mashruuca Ay Hay’adaha U Soo Qortaan Si Gobolka Loogu Horumariyo Inay Masuuliyiinta Dawladdu Laaluush Dadban Ku Xidhaan Warqadaha Ay Uga Baahdaan

 

Hargeysa, clinic November 12, cough 2014 (Haatuf):- Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa masuuliyadda horumar la’aanta iyo dib-u-dhaca ka jira deegaannada gobolka Sool ku eedeeyey Xubnaha Masuuliyiinta ah ee u dhashay gobolladaas ee ka tirsan laamaha kala duwan ee dawladda Somaliland, kuwaasoo uu sheegay inaanay daacad ka ahayn hirgelinta horumar muuqda oo laga sameeyo labadaas gobol.

Waxaanu sidoo kale, Badhasaabka gobolka Sanaag Mr. Ramaax sheegay in Mashaariicda ay Maamul ahaan hay’adaha u soo qortaan si gobolka loogu horumariyo inay ku adkaato helitaanka Warqadaha ay Hay’adaha dawladda uga baahdaan, sababtuna la xidhiidho Laaluush.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud-Ramaax oo Axaddii hadal dheer ka jeediyey Shir-hawleed lagaga hadlayey heerka horumarka ka jira labada gobol ee Sool iyo Sanaag-Bari, heerka dib-u-dhaca iyo caqabadaha ku xeeran labadaas gobol, kaasoo dhawr maalmood ka socday Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana Axaddii oo ku beegnayd 9-kii bishan aynu ku jirno la soo gebo-gabeeyey.

Shirkan oo ay isugu yimaaddeen Masuuliyiinta isugu jira Xildhibaannada, Wasiirrada Xukuumadda, Agaasimayaasha guud iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradaha ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag, Wakiillada Hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ka hawlgala ee isugu jira Soomaalida iyo Ajaanibka, Madaxda Ururrada Waddaniga ah iyo Aqoonyahanka labadaas gobol oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranku, ayuu Guddoomiyaha gobolka Sanaag ka jeediyey Warbixin dheer oo uu kaga hadlay xaaladda iyo marxaladaha gobolka Sanaag deegaannadiisu ku sugan yihiin, gaar ahaan deegaannada Bariga Sanaag.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay in haddii la doonayo horumarka deegaannada Sool iyo Sanaag ay lama huraan tahay inay daacad ka noqdaan oo ay dawladda iyo Hay’adaha kala shaqeeyaan Masuuliyiinta gobolladaas u dhashay ee dawladda iyo Hay’adaha kala duwan ee dalka jooga ka hawlgala. “Maanta Runtaynu isu sheegaynaaya gobollada Sool iyo Sanaag waxay ka dhutinayaan Masuuliyiinta dawladda ka tirsan ee u dhashay labadaas gobol, waxa loo baahan yahay inay masuuliyiinta gobollada u dhashay ay daacad ka noqdaan horumarka deegaannada labada gobol oo ay iyagu nagala shaqeeyaan.” Sidaa ayuu yidhi Ramaax.

Waxa uu Guddoomiye Ramaax oo sii watay hadalkiisa intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Gobolka aan Badhasaabka ka ahay ee Sanaag oo ah gobol fiican oo ballaadhan, haddana Mushkiladda ugu badani waxay iga haysataa Masuuliyiintii dawladda ku jiray ee gobolkaas u dhashay, Guddoomiye gobol baan ahay Masuuliyad baa isaaran haddaan hal qof oo shaqaale meel ka ah oo waajibaadkiisa gudan waayey beddelo waxa igala soo hadlaya Hargeysa Wasiirro, Xildhibaanno iyo Agaasimayaal oo leh maxaad sidaas u leedahay, waar dee masuuliyad baa isaaran oo in la shaqeeyo ayaan meesha u joogaa’. Markaa, Caqabadaha ugu badan ee ay ka socon la’yihiin gobollada Sanaag iyo Sool waxa qayb ka ah Masuuliyiinta u dhashay gobolladaas, illaa ay daacad ka noqdaan in la horumariyo gobolladaas-na lama horumarin karo, dhibaataduna waa iyaga waa kuwaa i hor-fadhiyee, xataa waar gobolka kaalaya ugu taag heli maysid.”

“Madaxweynaha waan u sheegay oo waxaan idhi; ‘Madaxweyne Bishii-ba hal toddobaad baan Hargeysa ka shaqaynayaa oo Shaqadii gobolka aan u jooogay in badan oo ka mid ahi Hargeysa ayay ku xidhan tahay, oo Masuul gobolkii kuugu imanayaa ma jiro ee Hargeysa ayay wada joogaan, Mastaafaha ay Ceerigaabo jirto waynu ognahay, dhaqaale ahaan ma awoodo bishiiba inaan mar imaaddo Hargeysa, waayo? Markaan soo socdo saddex boqol oo Litir oo Shidaal ah baan Hargeysa ku soo gaadhayaa, markaan sii socdana 300 oo Litir baan Ceerigaabo ku gaadhayaa, waa lix boqol oo Doollar lacagtaas Shiidaalka halka Safar ee sii socodka iyo soo socdku, Lixdaa Boqol ee Doollar Miisaaniyadda Maamul ahaan naloogu talo-galay inaannu ku shaqayno culays bay ku tahay oo wax badan oo kale ayaannu gobolka ugu qaban lahayn, haddana waannu ku khasbannahay, waayo? Wax badan baa halkan (Hargeysa) nagaga xidhan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Mar uu Guddoomiye Ramaax ka hadlayey Mashruuca dhisme Saldhigyo Boolis oo Deegaanka Hadaaftimo Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin socdaal uu halkaas ku tegay ku weheliyey ka dhagax-dhigeen dhawr bilood ka hor, waxa uu sheegay in caqabadi ka qabsatay Mashruucaas markii ay ka aqbashay Hay’adda ay Maamul gobol ahaan u soo qorteen inay ka caawiso, waxaanu yidhi; “Hadaaftimo dhismaha Saldhigga Wasiirka Gaashaandhiggu ka dhagax-dhigay maaddaama oo aan Badhasaabkii gobolka ahay ogahayna awooddeenna dhaqaale waxa igu waajib ah inaan wixii dhaqaale aan horumarka gobolka u raadin karana inaan raadiyo, sidaa awgeed Hay’adda DDG ayaannu Maamul ahaan u soo qorannay Mashruuca dhismaha Saldhigga Hadaaftimo, DDG way naga aqbashay, markay soo oggolaatay Mashruucaas waxay nagu xidheen oo ay yidhaahdeen Warqado ka aannu ka soo qaadanno Taliska Booliska iyo Wasaaradda arrimaha gudaha.”

“Taliyaha Boolisku wuxu igu yidhi; ‘Waxaan u baahanahay inaan ogaado halka waxani ka soo baxayaan, muddo ayay qaadatay, markii dambe Wasiir Waran-cadde ayaan ka qaaday, Wasaaradda Caafimaadku sidoo kale ayay Warqad aannu ka sugaynay u haysataa, waxaasina wax kale maaha ee waa Laaluush, iyadoo ay Waajib igu tahay inaanan sirta dawladda ka sheekaynin ee ay tahay inaan qariyo, haddana in runta la isu sheego ayaa wanaagsan oo maanta waxba kala qarsan mayno ee waxaas oo caqabad ah baa jira oo ay ugu horreeyaan ama koow ka yihiin Masuuliyiinta dawladda ku jira ee gobollada Sanaag iyo Sool u dhashay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Waxaanu Guddoomiye Ramaax soo jeediyey, in loo baahan yahay inay Masuuliyiinta dawladdu guud ahaan, gaar ahaanna ku u dhashay Sool iyo Sanaag daacad ka noqdaan in horumar muuqda laga sameeyo guud ahaan gobolladaas oo loo midoobo, isla markaana gacmaha la isu qabsado si dhinac kasta oo laga eego horumar looga abuuri karo iyo inay Hay’adaha caalamiga ahi tagaan guud ahaan deegaannada gobolladaas oo ay ku yar yihiin joogitaankoodu.Source: Wargeyska Himilo.

 

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS