haatuf.net
Axmed Y. Yaasiin Oo Ka Hadlay Xiisadda Ka Dhex Oogan Xeer Dejinta & Xukuumadda Iyo Warqaddii Guddoomiye Cirro Dib Ugu Celiyey Madaxweyne Siilaanyo
September 9, 2015 - Written by Admin Two

 

“Imikana Waxa Haboonayd Inuu Guddoomiyaha Wakiilladu Uu Gole-Weynaha U Akhriyo Wixii Madaxweynuhu Soo Sheegay, sales Dabadeedna……”Axmed Yusuf Yasin

 

 

 

Hargeysa, September  9, 2015 (Haatuf) – Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka Hadlay Khilaafka u dhexeeya Madaxtoyada iyo Aqalka Wakiillada, kaas oo salka ku haya Waraaq ay dhawaan madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Wakiilladu isweydaarsadeen oo ka hadlaysay Wareejinta Keydka Haamaha Berbera.  Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa si cilmiyeysan u lafo-guray muranka arrimaha wareejinta Keydka Haamaha  Shidaalka Berbera ka taagan, waxana uu ugu horrayn sheegay inay haboonayn in arrinta la xalliyo ka hor inta aan halkan ay maanta joogto la gaadhsiinin, “Marka hore hay’adaha Dawladdu waa inay wada shaqeeyaan, Dawladduna waxay leedahay cid waxyaabahaas, Wakiilladuna Guddi arrimahaas u qaabilsan bay leeyihiin, Inta aan gacmaha la isku taag-taagina waxay ahayd in Dibadda arrimaha lagu soo falanqeeyo. Haddii aan dib ugu noqdana Arrintani ugub ma ahee waa curad oo xilligii Cigaal uu Haamaha Total siinayey Golihii xilligaasi wuu ka horyimi,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.  Mudane Yaasiin oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay xukuumaddu xaq u leedahay iyadoo sharciyadda raacaysa inay Hantida umadda cid gaar ah ku wareejiso, waxana uu Qaraarkii dhawaan Wakiilladu Wareejinta Haamaha ku laaleen ku tilmaameen mid la gaadhay xilli aanu heshiisku bislaanin, waxana uu yidhi,“Haddii aynu distoorka soo qaadano qodobka 12-aad sharciyaddu waxay xukuumadda u fasaxaysaa inay iibin karto Hantida ma-guurtada ah si sharciga waafaqsan, Halkaana Go’aan degdeg ah baa ku jira oo Goluhu iyagoo aan wax heshiis ah helin ayuu Go’aan gaadhay,” Madaxweyne-ku-xigeenka oo hadalkiisa  ayaa waxa uu yidhi,“ta labaadna Goluhu waxa ay ahayd haddii ay wax dareemeen waxa ay ahayd inay xeer curiyaan oo ay dood dheer kadib saddex mooloodow laba meelood ku meelmariyaan, kaasna haddii madaxweynuhu baalmaro ay ku doodaan.”  Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in xukuumadda looga baahan yahay inay caddayso sababaha ay u cuskanayso wareejinta Haamaha sidii ay horeba u samaysay Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal.  “Xilligii Cigaal Haamaha  wareejiyey  markii aanu wax weydiinay wuxuu ku dooday inay haamuhu muhiim yihiin, loona baahan yahay in la daryeello maadaama oo ay in badan jireen, wareejintoodana waxan ku tooganayaa inay Total dhisto warshaddii Sibidhka ee Berbera, taas oo ahayd sababta uu wareejinta u daliishanayey.Haamaheenan aynu maanta ka Hadlaynaana cidla ayey yaalliin” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.  Waxa uu sharraxaad ka bixiyey hannaanka ugu wanaagsan ee Haamaha shirkado gaar ah loogu wareejin karo iyo waxyaabah loo baahan si loo wareejiyo, waxana uu yidhi,“Haamaha maanta shirkaduhu waa maaamuli karaan, laakiin waa inay ahaadaan shirkado awood weyn leh oo adiguna aan ujeeddo gaar ah ka leedahay, Haddii  meesha xukuumaddu ay kiraynayso waa in la helaaa shuruudo adag oo la fahmi karo, Waana in wareejintu noqotaa mid daahfuran oo muwaadiiniinta iyo ajaanibkaba loo bandhigo, iyadoo laga duulayo badbaadinta Haamahaas mustaqbalkooda dambe. Goluhuna waxa ay ahayd in marka waxaasi dhacaan kadib ay Weedhooda dhiibtaan. Ama xeer ka curiyaan.” Mudane Yaasiin waxa uu ka hadlay tallaabadii uu Guddoomiye Cirro dhawaan ku celiyey Warqaddii madaxweynuhu Golaha usoo diray, waxana uu tilmaamay inay Haboonayd in Guddoomiyuhu Golweynaha warqadda ka hor akhriyo,  “Marka Gole codeeyo ee uu Go’aan qaato waa sharci, Madaxweynuhuna waa diidi karaa, laakiin Waxa Golaha ku waajib ah inuu Goluhu saddex meeloodow laba meelood  dib ugu celiyo si uu sharci u noqdo,imikana waxa haboonayd inuu Guddoomiyaha wakiilladu Goleweynaha hordhigo wixii madaxweynuhu soo sheegayna uu u akhriyo dabadeedna cod saddex meeloodow laba meelood ah ay ku celiyaaan, Waxa meesha yaallaana Golihii Xeer may curine waxa ay wadaan waa qaraar, Qaraarkana madaxweynuhu wuu qaadan karaa, wuuna Diidi karaa.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.Source: Hubaal.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS