haatuf.net
“Damac Hogaanka Ah Baa Mustaqbalka Na Hayee Waa Inaad Qorshaha Ku Darsataan, Waxa Musharax Noo Ah…”Suldaan Cumar Suldaan Faarax
September 10, 2015 - Written by Admin Two

Hargeisa, allergy | September 10, thumb 2015 (Haatuf) – Guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha dibada ee golaha wakiillada Xil. Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) isla markaana dhawaan shaaciyey in uu shirka golaha dhexe ee KULMIYE oo uu xildhibaan ahaan kasoo baxay uga  tartamayo musharraxa madaxweynaha ayaa shalay casuumad u sameeyey qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedka beesha Qori-lugud  oo ka tirsan beelaha bariga Burco.   Axmed Cabdi Nuur kijaandheXildhibaan Axmed  kijaandhe oo ay weheliyaan siyaasiyiinta, madax dhaqameedka iyo aqoonyahanka beesha Balli-gubadle ee uu dhalasho ahaan kasoo jeedo ayaa Hotel Maansoor qado sharaf  ugu sameeyey xubno ka mida ah gudiga iyo qurbajoga beesha Qori-lugud oo beryahanba ku sugnaa caasimada Somaliland ee Hargeysa.  Kulankan  ayaa labada dhinac waxaa ka soo qayb galay xubno miisaan culus iyadoo dhinaca  Musharax Xil. Axmed Abdi Kijaandhe ay ku weheliyeen Saladiin, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo madax ka tirsan xukuumadaba waxaana ka mid ahaa xubnahaas. Suldan Cumar Suldaan Mohamed, Suldaan Faarax Suldaan Abdilaahi, W/kuxigen Mawlid maxamed karaani, Abdiraxman Dixood Mohamed Yusuf Ahmed, Dr.Maxamud Jama khayre, Ganacsade. Yusuf Osman Jaanyar.  Dhinaca beesha  martiqaadka loo fidiyey waxay ahaayeen seddex xubnood oo ka mid ah gudigii beeshu dhowaan ku samaysatay shirweynihii  ka dhacay degmada qorilugud bishii hore iyo qurbajoogii shirkaas qabanqaabadiisa lahaa waxaana ku weheliyey siyaasiyiinta iyo ganacsato   ku sugan Hargeysa waxaana ka mid ahaa xubnahan. Xildhiban Abdiaziz Ismail Ducale, Ex. Wasiir Axmed ali Ubahle Ex.wasir Maxamed Suleyman Wayne,Ex. Badhasab Cabdi Xuseen Dheere, Mujahid. Axmed jamac sicid (Jibiiqe), Mud.   Cabaas Awjaamac Jibriil Xagar, Ganacsade Cali Buraale, Ganacsade Cabdi Salaad, Siyaasi Cismaan Axmed (kujare), Iyo ganacsato iyo wax garad badan oo ku nool magaalada Hargeysa.  Suldaan CumarsWaxaa ugu horayn hadalka furay Suldan Cumar Suldan maxamed isagoo  uga mahad naqay martida casuumadda ay u fidiyeen sida ay u soo ajiibeen, waxaana uu sheegay in kulankani daaran yahay is barasho  isagoo suldanku hadalkiisa ku sii daray “mustaqbalka damac hogaanka dalka ah baa na haya waxaana noo Musharax ah Xildhibaan Axmed Kijaandhe sidaa darted waa inaad qorshaha ku darsataan arrinkaa,” ayuu yidhi suldaank.  waxaa isaguna hadlay Musharax Kijaandhe oo soo dhoweyn iyo is barasho ka dib cadeeyey damiciisa shegayna inuu xiligeeda marka la gaadho codsanayo inaan codka lagala bakhaylin isagoo xusay in kulamo intan ka balaadhan iyo booqasho degaanka Solamadow ahba uu qorshayn doono marka la gaadho xiligeeda.  Dhinaca Beesha Solamadow oo uu ugu horayn u hadlay Ex.Badhasaab Cabdi Xuseen Dheere ayaa si mug leh uga mahad celiyey casumadan uu Musharax Axmed Kijaandhe iyo beshiisu ku maamuseen Beesha Solamadow ka dibna cod dheer ku balanqaaday inaan beeshu waxba ka hagran doonin marka la gaadho xiligeeda qiime weyna ay u hayaan beesha Arab oo aanu qiimeheeda siin doono ayuu yidhi, waxaa isna hadal mahadnaq iyo dhiirigelin musharaxa ahba is raaciyey Ex.Wasiir Maxamed Sulayban Weyne isagoo yidhi maanta cid aanu uga hanweynahay Beesha Arab ma jirto waana balan in aanaan hiil iyo hooba la hadhi doonin marka la gaadho xiligeeda isagoo si kaftana hadalkii ugu soo xidhay hadii Arab ururkii Xaqsoor nagaga cawday waxanu balan qadaynaa in aan musharaxoodu naga caban doonin.  Isku soo wada duuboo kulankani wuxuu ahaa mid si qurux badan oo milge sharaf leh la isku qaabilay kuna dhamaday iyadoo si niyad ah labada dhinac isaga dalbadeen in kulamadu intan ka sii bataan joogtona la isaga warhayo, waxaa xusid mudan oo goobta looga mahadnaqay labadii xubnood ee kulankan soo qabanqaabiyey ee xidhiidhiyaha ka ahaa waa Dr.Abdiraxman Ali Ubaxle iyo Dr.Maxamud Jaamac Khayre.Suldaan Cumars

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS