haatuf.net
Madaxwayne Siilaanyo Oo Mudeeyey Xiliga Ay Dalka Ka Qabsoomi Doonaan Doorashooyinka Madaxtooyadda Iyo Wakiiladdu
September 10, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, September 10, 2015 (Haatuf) – Madaxweyne Siilaanyo ayaa soo saaray digreeto uu ku cayimayo maalinta doorashada madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo golaha wakiillada oo qabsoomaysa bisha saddexaad ee sanadka 2017-ka.

Digreetada Madaxweyne Siilaanyo soo saaray ayaa lagu sheegay in doorashadu dhici doonto maalinta taariikhdu tahay 28-March-2017, kaas oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay Haatuf ayaa isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:-  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3569/092015 ku cadeeyey wakhtiga rasmiga ah ee dalka looga dareeridoono Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada.

madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Helay: Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadiisu tahay GDQ/XK/444/2015 ee ku taariikhaysan 08/09/2015, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Wakhtiga Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee 28/03/2017;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida JSL ee lambarkiisu yahay GG/JSL/Go’aan Lambar 04/05/2015, kuna taariikhaysan 11/04/2015, ahna Go’aanka Muddo Kordhinta Xilka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka iyo Goleyaasha Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida);

Markuu Arkay: Faqradda 3aad ee Qaraarka Fasiraadda ah ee Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay summadiisu tahay MS/DD/02/2015 kuna taariikhaysan 18/08/2015;

Markuu Ku Qancay: In baahi loo qabo isla markaana ay lagama maarmaan u tahay hannanka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo xilliga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray;

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu markay tahay 28/03/2017 ay noqoto maalin doorasho oo ay qabsoonto Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS