haatuf.net
Indian Ocean Newsletter: Baadhitaano Caalami Ah Oo Lagu Soo Fadhayo Xogo Qarsoona Oo Ku Saansan Heshiisyadi Shidaalbaadhista Somaliland
September 12, 2015 - Written by Admin Two

Paris, medicine September 12,2015(Haatuf)-Kooxda Qatamada Midoobay u qaabilsan cunoqabataynta Somalia iyo Eritrea ee la yidhaahdo UN Monitoring Group ayaa ku gudo jirta baadhitaan la filayo in lagu soo fadho xogo dadka reer Somaliland ka qarsoonaa oo ku saabsanaa heshiisyadii uu wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Wajixun) la galay shirkadaha shidaal baadhista mudadii uu ka tirsanaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Sida uu wargeyska Indian Ocean Newsletter ku sheegay cadadkiisii  shalay , baadhitaanka ay wado kooxda Monitoring Group waxa kale oo uu ku jihaysnaan doonaa ciidanka ay xukuumadda Somaliland oo la kaashanaysa shirkadda Saladin Security ee UK laga leeyahay u sameynaysay ilaalinta shirkadaha shidaal baadhista( Oil Protection Unit).Wargeysku waxa uu sheegay in dalalka reer galbeedka iyo dawladda Ethiopia ay ciidankaasi kaga boodeen labada wasiir ee u xilsaaran sameyntiisa kuwaasòo kala  ah wasiirka Macdanta iyo wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali oo ay ka shakisanyihiin inay ujeedooyin siyaasadeysan hadhaw u adeegsadaan cidankaasi.

Dhinaca kale baadhitaan la mid ah ka aynu kor ku soo sheegnay oo ay waday Kooxda Qalalaasaha Aduunka( International Crisis Group) ayaa waxa la filaya in la soo gabogabeeyo dabayaaqada bishan.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS