haatuf.net
Baashe Cawil Oo Dalxiisleyaal Imaaraati Ah Bari Subax Geynaya Buurta Gacan Libaax Iyo Odeyaal Ku Taliyey Inuu Ka Hadho
September 13, 2015 - Written by Admin Two

Berbera September 13, drugs 2015(Haatuf)- Baashe Cawil oo uu sodog u yahay madaxweynaha mudadii la doortay dhamaatay ee Axmed Soilaanyo ayaa bari subax buurta Gacan Libaax u kaxeyn doona dalxiiseyaal reer Abu-Dhabi ah oo maanta soo gaadhay magaalada Berbera iyagoo wata diyaarad khaas ah.Baashe Cawil oo odayga u sodoga ahi dhawaan u magacaabay Wakiilka Somaliland ee Imaaraatka ayaa saaka Hargeysa ka kaxaystay 6 gaadhi oo takniko ah iyo 2 gaadhi oo kuwa martida lagu qaado ah sii uu uga hortago dalxiiseyaashaasi kuwaasoo qasdigooda igu weyni yahay inay shinbiro iyo cawl ka soo ugaadhsadaan Buurta Gacan Libaax.

Hasa yeeshee odeyaal reer Berbera ah oo xog ogaal u ah dareenka kacsan ee ka jira guud ahaan gobolka Saaxil gaar ahaanna goobaha ay dalxiisleyaashu ku jihaysanyihiin ayaa ku taliyey in wafdiga ay ka xeeyaan saraakiisha bilayska ee gobolku oo Baashe Cawil-na ka hadho. Laakiin  Baashe Cawil ayaa ku adkeystay inuu isagu raaco Imaaraatiyiinta oo uu waliba horkaco iyadoo dadweynaha reer Saaxil ee awalba diidanaa qorshehii dhicisoobay ee xukuumaddu ku doonaysay inay Haamaha Shidaalka ee Berbera ku wareejiso shirkado gaar loo leeyahay ay hadana cadho cirka sii  mareen marki ay shalay maqleen in xidhibaano madaxtooyadu dabada ka riixaysaa ay ku soo duuleen Golahi Wakiilada ee laba todobaad ka hor laalay qorshehii xukuumadda ee wareejinta Haamaha.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS