haatuf.net
“Tuug, Tuug, Tuug, Maxaydin Ilaahay La Hortagi, Dadkii Idin Doortay Baad Khiyaamayseen, Shilimaad Baad Na Siisateen”
September 14, 2015 - Written by Admin Two

 

Hargeysa, healing September 14, 2015 (Haatuf) – Subaxnimadii doraad markii laga soo dareeray aqalka Wakiiladda ayaa wadada hormarta dad badan oo hareero tubnaa waxay ku wishiiriyeen qaar ka mid ah xildhibaanadii u codeeyey mooshinkii Haamaha ee xukuumadu dabada ka riixaysay, waxaanay xildhibaanadaasi khajilaad la fuuli kari waayeen baabuurtoodii taalay baarkinka koonfureed ee ku yaala wadadaas ay dadwaynuhu taagnaayeen.

Dadkaasi oo u muuqday in aanay hore u wada socon oo qof walba iskii meesha u yimid, ayaa waxay hadana ka midaysnaayeen xiisaha ay u qabbeen inay kala ogaadaan xildhibaanadu siday ugu kala codeeyeen mooshinkii wareejinta Haamaha ee madaxtooyadda ka fashilmay.

Intii aanay xildhibaanadu kasoo bixin xarunta wakiiladda sheekadda kaliya ee dhextaalay dadkii dibada ka joogay waxay ahayd arrintii haamaha iyo qorshihii ay xukuumadu ku doonaysay inay ku wareejiso shirkaddo gaar loo leeyahay, taas oo ay su’aalo badan iska waydiinayeen.

Doodaha dhex-marayey muwaadiniintaas waxay ku kala baydhi-waayeen in xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo aanay ku dhiirateen dambiyada cul-culus ee ay muwaadiniinta iyo qarankaba ka gashay, haddii ay ogtahay in xildhibaanadii ay dadku soo doorteen kala xisaabtami doonaan, shuruuc adagna kasoo saari doonaan ilaalinta xuquuqda muwaadinka iyo maslaxada guud ee qarankaba.

Qodobka labaad ee ay ka midaysnaayeen waxa uu ahaa in shicibka laftiisu uu wax ku leeyahay qalooca ku yimid  hanaankii dawladnimo ee Somaliland, markii ay la xisaabtami-waayeen xildhibaanadii ay soo doorteen oo xalaashaday dhaameelka ay Madaxtooyadu u daadiso, halkii ay danaha dadka ka difaaci lahaayeen. Axsaabta mucaaridka qudhidooda ayaan ka samata-bixin dhaliilihii kululaa ee goobtaasi la iskugu yimid laga soo jeedinayey, iyadoo eedaha dusha laga saarayey ay u badnaayeen inay xukuumadda la saayiraan iyo inaanay xidhiidh adag la lahayn guudahaanba mujtamaca.Qaar badan oo ka mid ahaa dadkaasi tubnaa baarlamaanka hortiisa oo sheegay inay ka tirsanaan jireen xisbiga Kulmiye ayaa iyagu magaciisaba kaba xanaaqayey marka la soo hadal-qaado .

Hadaba xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) iyo Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka horena laga soo doortay barriga Somaliland, ka danbena galbeedka dalka, labadoodubana ka mid ahaayeen mudanayaashii taageersanaa mooshinkii xukuumadda ee haamaha ayaa mar alaale markii ay dibadda usoo  baxeen ee ay usoo  dhaqaaqeen xagii gawaadhidu ka taalay, ayey dadwaynihii dibadda joogay qaylo iyo cay ku bilaabeen. Erayada ay dhagta ugu ridayeen markay ku oorinayeen Bukhaari iyo Xasan Cawaale waxa ka mid ahaa “Tuug, tuug, tuug, maxaydin Ilaahay la hortagi, dadkii idin doortay baad khiyaamayseen, shilimaad baad na siisateen ” iyo erayo kale.  Markii ay arkeen labadii xidlhibaan oo  khalkhalsan oo midba dhinicii uu u socday mooyaane dhinicii kale u cararay ayaa dadkii intay mar qudha is-eegeen qosol la kala wada-jeesteen, iyagoo ay ka muuqato inay ku baraarugeen awooda ay shacbi ahaan leeyihiin balse ka qarsooneyd.

Waqcadda xun ee kaga dhacday arrintii haamaha iyo ceebtii doraad ka raacday mooshinkii ay doonaysay inay khasab ku marsiiso wakiiladda, marka labadaas guul-darooyin la isku geeyo, shaki kuma jiro in xukuumadda Axmed Siilaanyo ay soo gaadhay fadeexad siyaasadeed oo culus oo ay gacanteeda iskugu geysatay ,  laakiinse fashilaadan baahsan ee ku habsatay xukuumadda iyo shacbigan awoodiisii (power) haatan ku baraarugay ee doraad dhadhamiyey ma laga yaabaa inay sababto kacdoon dadwayne oo doorashaba intaan la isla-gaadhin talada lagaga tuuro maamulka Siilaanyo?.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS