haatuf.net
Baashe Waxa Uu G. Wakiilada Kaga Jiraa Halka Uu Saylici Madaxtooyada Kaga Jiro By, Dr. Cabdirisaq Boodhle
September 16, 2015 - Written by Admin Two

Aan ku bilaabo, hadal kasoo yeedhay Cirro oo uu yidhi, ”Haddii Goluhu laba Guddoomiye Yeesho, Dalkuna laba Madaxweyne ayuu yeelanayaa”. Ninka meel ayuu ka ursaday hadalkaas LAAKIIN waxa xaqiiqo ah in fawdo kastaaba dhalayso fawdo. Abwaan Hadraawi ayaa laga hayaa,

”Nin Daacadnimo Hogeeda qoday,

Miyuu Ka Dambaynayaa!

Intuu bahalaha dugsado,

intuu dubur hawl ka xulo,

ayuu qofku doonayaa,

dugaagu inaanu cunin”

Bayt kalena waxa uu lahaa,

”waxay u dumeen runtii,

markay dumiyeen runtii”           Maansada Dabahuwan.

Waxa kale oo halyeygii Mahatma Gandhi laga hayaa, “One man cannot do right in one department of life whilst he is occupied in doing wrong in any other department. Life is one indivisible whole”.

Qofna ma laga aqbalayo anna hala i nabadgaliyo oo xuquuqdayda aan helo, dadka kalena aan xuquuqdooda duudsiyo. Si kale haddii aan u dhigo, suurtogal ma aha in Madaxtooyadu laba guddoomiye abuurto iyaduna hal madaxweyne yeelato.

Waxa kaliya ee Somaliland u hadhsanaa waa kala-dambaynta, middiina maanta Xukuumadda ayaa TOOS gacmeheeda ugu duminaysa.

Dulucda qormadaydan koobani waxa ay soo gudbinaysaa hal su’aal ah. MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN MADAXWEYNAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA IYO LABADOODA KU-XIGEEN?

  1. Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkaba TOOS ayaa loo wada doortay, sida Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku-xigeenkaba loo wada doortay

 

  1. Labada ku-xigeenka waxa distoorku qorayaa in marka midka ka sareeyaa maqan yahay uu halkiisa buuxinayo

 

  1. Labada ku-xigeenka waajibaad kale oo loo xilsaaray oo aan

 

Haddaba, Madaxtooyada ma Siilaanyo ayaa ka taliya mise Saylici?

Saylici miyuu yidhaahdaa sidaas ha samaynin iyo middaas samee?

Saylici miyuu si caddaana u caayaa Siilaanyo?

Inta uu gacanta mikrafoonka ka maroojiyo oo uu istaago miyuu hogaanka golaha wasiirada maroorsadaa?

…….Haddaba,

Maxay Xukuumaddu uga hadliwayday arrinta dhacday? Maxay distoorka u difaaci-wayday oo u odhan wayday sidaasi waa qalad?

Berri yaa ka yeelaya ama dhagaysanaya xattaa haddii ay arrin sax ah oo sharciya ku dhawaaqdo maadaama ay maantaba ka hadliwayday oo xattaa kelmad afgobaadsi ahna odhan wayday?

Berri marka Saylici isa soo kala guro, oo talada wadanka ku soo durko si uu u buuxiyo kaalinta uga bannaan hogaaminta dalka ee Distoorku siiyey, sidee ayay wasiirada iyo ragga maanta baadilka ku wada socdaa dadka uga sugayaan is-garabtaag?

Wallee saansaanka muuqdaa waa noocii laga cawdu billaysan jiray!

Somalidu waxa ay tidhaahdaa, ”beentaada hore runtaada dambe ayay u riiq leedahay”. Xaqdarrada aad ku dhaqantaa xaqaaga dambe ayay burisaa!

Marka ay sidaa tahay, waxa loo baahan yahay in dadku damiirkooda ilaashadaan oo ka ku qasbaan xukuumadda wixii dadka ka dhexeeyey oo sharcigu ugu horeeyo loo dhiibtay in ay ku dhaqanto shuruucda dalka. Haddii kale waxa ay noqonaysaa, WAXAY NA BADEEN, WAXAY NA BAREENBAA KA BA’AN!

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS