haatuf.net
Somaliland Waxa Ay Ka Kooban Tahay Dad Isu Tagay Oo Dawladnimo Isku Darsaday, Haddii Dawladdii Ka Dhaxaysay Hantideedii Dad Loo Qaybiyo, Maxaa Dadka Ka Dhaxaynaya? By Xasan Dhaymoole (Berberaawi)
September 16, 2015 - Written by Admin Two

Salaan qaaliya kedib, prostate beryahaas waxba maan qorin waxaanse jecelahay in aan maanta iftiimiyo qodobka cinwaanka ku qoran.

Somaliland waxa ay ka dhalatay dadka ku dhaqan oo magac beelo ku wada fadhiya ayaa 18kii May 1991 magaalada Burco ku go’aansaday in ay lasoo noqdaan xornimadii ay hadyadda u bixiyeen lixdankii ee ay ka dhaxleen cadaalad-darrada, duudsiga, isku-dirka iyo dawlad la’aanta. Halkaas waxa lagu saxeexday Heshiis ay beel walba matalaysay hogaamiye-dhaqameedkeedu (eeg heshiiskii goonni-isu-taagga Somaliland 18.5.1991 Burco).

Waxa kaliya ee dadkaasi wada leeyihiin ee ay isku darsadeen waa dawlad ka dhaxaysa oo dhex u ah. Dawladdaas oo ka kooban saddex Baarlamaanka, Garsoorka iyo Xukuumadda. Dawladdu waxa kaliya ee ay dawlad ku tahay waa awoodda dhaqaale ee ay leedahay, dhaqaalahaas oo ka yimaadda takaaliifka ama cashuuraha ay dadkeedu bixiyaan  si ay u helaan adeegga looga baahan yahay si dawladduna waajibaadkeeda saaran uga soo baxdo. Waxa kale oo dawladdu leedahay oo dakhli u ah HANTIDA, guurtada iyo ma-guurtada ah, khaas ahaan midda MA-GUURTADA ah ee ay ka hesho dakhliga tirada badan. Waxa kale oo ay leedahay hayado  ay kamid yihiin WAKAALADAHA BIYAHA, KORONTADA iwm.

INTAAS ayay dawladdu ku tahay dawlad oo ay DADKA KU SHAQAALAYSIISAA, DHAQAALAHA AY KA HESHONA WAX KU QABATAA.

Haddaba, haddii dawladda la CAYDHEEYO oo laga wareejiyo  ilaha dhaqaalaha ee ay leedahay, oo ay DILAAL ka noqoto, muxuu xaalkeedu noqonayaa? Sidee ayay DHALLINYARADA u shaqaalayn kartaa? Sidee ayay dhaqaale u abuuri kartaa oo u horumarin kartaa ilo dhaqaale oo haddiiba ay gacmaheeda ka baxaan ilaha dhaqaaluhu oo ay u daba-fadhiisato ganacsato iyadu u madax-bannaan hawlaheeda.

Miyaanay caatoobaynin dawladdii la wada lahaa? Ma shirkadaha dadka gaarka ahi iska leeyihiin ayaa inoo noqonaya dawlad?

Midda kale, goorma ayaynu qaadannay hannaanka loo yaqaanno Corporate Government oo aynu Maraykan noqonay? Wadamada shuruucda ad-adag leh ee dawladdoodu awoodda leedahay ayaan sidan oo kale u wareejinin ilaha dhaqaalaha.

Haddii aanay dawladdu cidna shaqaalayn karin, kaabbayaasha nolosha gacanta ku haynin si ay u kabto tusaale ahaan Biyaha, Korontada, Shidaalka ama qiimaha uga dhinto si noloshu u fududaato, maxay dawlad dilaal ahi taraysaa miyaan lagu kala haarinaynin?

Maxaa dawladnimada ka noolaanaya haddii la wareejiyo arrimaha asaaska nolosha u ah sida:

Haamaha

Dekedaha

Korontada

Biyaha

Macdanta

Kalluumaysiga

Maxaa kalifay in la CAYDHEEYO dawladda oo shirkadaha gaarka loo leeyahay loogu  bedelayaa? Miyaanay noqonaynin dadka intii wax haysata ayuun baa noolaanaysa? By Xasan Dhaymoole (Berberaawi)

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS