haatuf.net
Red Sea, HASS Iyo Balaq-balaq Petroleum Oo Ah Saddex Shirkadood Oo Awalba Keeni Jiray Shidaalka Oo Ka Baxay Mashruucii Wareejinta Haamaha
September 17, 2015 - Written by Admin Two

Baashe Cawil Oo Kala Goostay Dilaalkii Milyanka Doolar $ Ee Ay Xisaabtiisa Dibadda Ugu Shubeen Shirkadahaasi

Berbera, case September 17, 2015 (Haatuf) – Red Sea, HASS iyo Cali Balaq-balaq Petroleum oo ah saddexdii shirkadood ee awalba dalka keeni jiray shidaalka ayaa ka baxay mashruucii ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo wadatay ee ay ku doonaysay inay haamaha kaydka shidaalka Berbera ku wareejiso shirkado gaar loo leeyahay.

Sida ay ilo mihiim oo u dhuun-daloola arrimahani ay Haatuf u xaqiijiyeen, saddexda shirkadood ayaa shaki wayni ka galay suurta-galnimada in qorshahani noqdo mid midha-dhal ah mustaqbalka dhaw iyo ka fogba, ka dib markii ay xukuumadu saddexdaasi shirkadood ku soo dartay 8 shirkadood oo kale oo macmal ah, isla markaana wareejintii haamaha ku xidhay in dakhligii haamaha ee labada sanadood ee 2016-ka iyo 2017-ka ay shirkaduhu usoo qadimaan xukuumadda.

Saddexdan shirkadood ee hore shidaalka u keeni jiray dalka oo markii u horeysba ka booday shirkadaha yaryar ee lagu dul-sameeyey ee xukuumadda Siilaanyo ka daba-keentay ayaa waxa kale oo shaki wayn ku abuuray murankii wareejinta ka dhashay, kaas oo ra’yul caamka Somaliland aad u saameeyey isla markaana abuuray wacyi-cusub oo lagaga soo horjeedo qorshahaasi iyo guud ahaanba musuqmaasuqa ay xukuumadu ku dhaqanto, iyadoo arrintaasi ay mugdi galisay faa’idadii ay shirkaduhu ka rajaynayeen mashruucaasi.

Fadeexada kale ee soo shaac-baxday ayaa ah mid uu si cad uga dhexmuuqdo wiilka ay madaxtooyadu soddoga u tahay ee Baashe Cawil, kaas oo markii uu qal-qaalinayey heshiiska wareejinta haamaha saddexdaasi shirkadood kasii qaatay dilaal xaqul-qalin ah oo lacagtiisa laba jeer oo min $450,000 iyo $700,000 lagu kala siiyey.

Hase yeeshee Baashe Cawil oo xisaab dibadaha uga furan loogu shubay lacagtaasi ayaa diiday inuu saddexdii shirkadood usoo celiyo dilaalkaasi.

Baashe Cawil, Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) iyo Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa lagu tilmaamaa saddexda qof ee ugu musuq-maasuqa iyo dhaca badan xukuumaddda Madaxwayne Siilaanyo.

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS