haatuf.net
Intaanu Dalka Ka Dhoofin Dabayaaqada Bishan,Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Sheego Inaanu Murashax Aheyn
September 17, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa September 17,2015(Haatuf)-Madaxweynaha mudadii la doortay Ka dhamaatay ee Axmad Siilaanyo  ayaa la filaya inuu maalmaha soo socda si rasmi ah ugu dhawaaqo inaanu mar labaad isu soo taagi doonin doorashada madaxweynaha ee qorsheysan inay dalka ka dhacdo  March 2017.

Siday ilo ku dhaw dhaw  xukuumadda iyo xisbiga  Kulmiye  Haatuf u sheegeen,Mr Siilaanyo oo lagu wado  inuu bishan  aakhirkeeda u-safro magaalada London ee uu deganyahay dhakhtarkiisa  gaarka ahi aya ilaa iyo hadda garan la’ sidii uu xisbigii Kulmiye ee doorashadii 2010 ku soo saaray uu uga badbaadin lahaa qaraxa kaga soo fool leh tartanka kulul ee loogu jiro cidda noqonaysa murashaxa xisbiga ee doorashada madaxweynaha.Sidayse sheegeen ilo aqoon u leh habdhaqanka siyaasadeed ee Siilaanyo, waxba kuma aha intuu Golaha Dhexe ee dooranaya murashaxa xisbig fooda isu galiyo dabadeed iska dhoofo.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS